Editor's note: The following is a Somali-language translation of a counterpoint to the Star Tribune Editorial Board's endorsement of Mohamud Noor in the DFL primary in District 60B. The English-language version is here.
Guddida Tafatireed ee Star Tribune waxay u muuqdaan inay u malaynayaan inaan waxba ka qaban Sharci-dejinta Minnesota ilaa 1970-nadii ("Xulashooyinkayga: Dhibbooga iyo ruugcaddaaga sharci-dejineed," Ogoosto 3). Taageeradeedii dhawayd ee Mohamud Noor sidoo kale waxay muujinaysaa in aagga Cedar-Riverside ay ka muhiimsan tahay xaafadaha kale ee Degmada 60B iyo inaan waxyar qabtay si aan u caawiyo bulshada Soomaalida.
Diiwaanka guulahaygu wuxuu sheegayaa guddidu inay khaldan tahay dhinac kasta. Waxaan u firfircoonaa oon waxtarna u lahaa tobankan sano si aanan waligay u firfircoonayn, waxaanan qaatay hab dheellitiran caawinta dhammaan xaafadaha degmada. Waa Guddida Tafatireed, ma aha aniga, taasi waa ka war la'aan arrimaha soo waajahaya Degmada 60B.
Quwaynta bulshada Soomaalida iyo horumarinta adeegyadu waxay ii ahaayeen qaar ahmiyad sare leh. Markii Minneapolis ay kujirtay samayntii degmadooyinka cusub ee u dambaysay, waxaan ahaa sarkaalkii la doortay ee u horreeyey ee ku baaqa Golaha Magaalada ee xaafadda kaasi oo shiishka lagu saaray bulshadeena Soomaalida. Iyo markii madaxda libaraalka siyaasadeed ee Minneapolis ay dooneen ku ilaaliyaan xaaladda hadda Hoolka Magaalada, waxaan ka caawiyey Abdi Warsame in la doorto.
Cedar-Riverside waxay leedahay dhallinyar aad u badan kuwaasi oo adeeggii ay u baahnaayeen aan la siin. Waana taas sababta aan u qoray biilasha lagu ballaadhinayo xarunta madadaalada Brian Coyle Center. Sidoo kale waxaan si guul leh ugu dagaalamay helitaanka xarun fursadaha shaqada gobolka oo laga sameeyo lagana maalgaliyey Cedar-Riverside; waxay kujirtaa biilka cashuurta hadda.
Markii sharci-dejiyayaasha kale ee Minneapolis, iyo dadka igu mucaaradka ah, ay ka aamuseen ama xiitaa taageereen sharci xun kaasi oo meesha ka saari lahaa bixiyayaasha daryeelka maalinta ee Soomaalida iyo tarjumaanada, waxaanan dagaal la galay codbixiyayaashayda oo aan baabiiyey biilashan. waayo-aragnimadayda darteed, waxaan ahaa mid waxtar leh — waxaanan waxtar badan u sii yeelan doonaa Cedar-Riverside marka la i barbardhigo waxtarka uu u yeelan doono sharci-dejiye cusub. Laakiin caawinta Cedar-Riverside may ahayn wax kaliya ee aan ahmiyadda siinayo Degmada 60B. Waa dhibaato sida Guddida Tafatireed u laashay Prospect Park, East River Road, Seward, Marcy Holmes, Como, Dinkytown, xerada jaamicadda, iyo Nicollet Island/East Bank. Isla sidii aan ugu dagaalamay Cedar-Riverside, ayaan ugu ahaa u-doode firfircoon mid kasta oo kamid ah xaafadahan.
Waxaan ahaa sarkaalka la doortay ee ugu codka dheer taageerista ururka Defend Glendale ee Prospect Park markii uu la dagaalamayey dhisayaashii damaca badnaa kuwaasi oo qaadan lahaa guryaha raqiiska ah. Waxaan u dagaalamayaa qawaaniin badbaadada oo wanaagsan tareenka si aan u caawiyo dagganayaasha Como oo aan u raray goobta khashinka halista ah ee jaamicadda meel xaafadda dibadda ka ah. Waxaan hormood ka ahaa ka go'aanshaha haadadka baaskiiladuhu maraan ee Seward oon u dagaalamay gidaarro/teedad fiican si looga ilaaliyo xaafadaha oo dhan guuxa gaadiidka jidka wayn .
Mid kamid ah muuqaalada ugu soo jiidashada badan Degmada 60B waa hantida (dhul ama guryo) ku teedsan webiga Mississippi. Anigu shakhsi ahaan waxaan xaalisiyey kabadan $40 milyan si loogu malagaliyo badbaadada iyo dib-u-dhiska hantida ku teedsan webiga badhtanka. Waxaan ka shaqeeyey inaan badbaadiyo oon soo nooleeyo Stone Arch Bridge, soo noolaynta hantida webiga ku teedsanna waxay bilcisay suuqa hoose oo dhan. In kastoo dad badan oo kale oo siyaasadda ku cusub ay dadwaynaha ka dhaadhiciyeen inay jirto wax ay ka qabanayaan taas, runtu waxay tahay in soo noolaynta hantida ku teedsan webigu ay bilaabantay sannaddo kahor markii aan halkaa joogay anigoo qiraya inay tahay gobolku inuu ka soo ceshado webiga wasakheeyayaasha una sugnaado dadwaynaha.