Editor's note: The following is a Somali-language translation of the Star Tribune Editorial Board's endorsement in the DFL race for Minnesota House District 60B. The translation was done by KJ International, a United Language Group Company. The English-language version of the editorial is here.

Aasaaska iyo takhasuska ay Xildhibaanadda Minneapolis Phyllis Kahn u xulatay ka xeer-dejiye ahaan cusub 1970-nadii waxay ahaayeen qaar aad ugu habboon degmada ay metesho waqtigaas, oo ay ugu weynayd Jaamicadda Minnesota. Saynisyahan haysata digriiga sare ee Ph.D. oo ku adag u-doodista haweenka, Kahn waxay hormooday sinaanta ragga iyo dumarka iyo arrimaha laxiriira sayniska taas oo Minnesota ka dhigtay hoggaamiye qaran xagga siyaasadaha la dagaalanka sigaar-cabbista, ilaalinta bii'adda iyo sinaanta ragga iyo dumarka xagga ciyaaraha dugsiyada. Laba iyo labaatn xilli iyo liista dheer oo ah xeerar ay kafiilatay ayaa ka markhaati-kacaya xoogga ay ku lahayd xeer-dejinta.

Goobta jaamicaddu ku taal ayaa weli qayb ka ah Degmada 60B. Laakiin dib-uxaddayn iyo isbeddelka degaanka dadka ayaa u wareejiyey xuddunta degmada ee soojiidashada siyaasadda Cedar-Riverside, oo hoy u ah meeshay ay ugu badan yihiin Soomalida Maraykanka ah. Iyada oo saddex-dalool tobankiiba ay Degamada Senetka 60 dadka ku nool ay ka hooseeyaan heerka saboolnimada, oo dakhliga dhexdhexaad ah ay helaan laba-dalool isucelcelinta gobolka. Degmada 60B waxay uqalantaa metelaad mudnaanta siinaysa shaqooyinka, waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo cadaaladda qoomiyadaha.

Mohamud Noor, agaasimaha fulinta ee Isutagga Soomaalida Minnesota oo hore xubin uga ahaa golaha dugsiga Minneapolis, ayaa aad diyaar ugu ah kaalintan. Wuxu taageero ka helayaa Golaha Tifatirka Tribune Editorial Board Talaadada xigta ee xulka hore ee DFL ka sarraysa tan labada musharax ee both Kahn iyo musharraxa saddexaad, Ilhan Omar, oo hore u ahaan jirtay kaaliyaha Konsilka Magaalada Minneapolis.

Tani waa markii saddexaad ee uu soo doonto Noor kursiga xeer-dejinta; ma ahayn xulkayaga labadii jeer ee hore. Isga oo hore u ahaa maamule nidaamyada arrimaha dadka ee gobolka iyo heer degmo, Noor, 38, wuu na cajabiyey maadaama uu si joogto ah ugu heellan yahay adeegga bulshada, aqoonta siyaasadeed, iyo habka hoggamineed ee xooga badan misna ixtiraamka huwan.

Omar, 33, iyana sidoo kale waa tafo-xaydan tahay laakiin ka ogaal yar iyada oo ah musharaxnimadeedii ugu horraysay ee xafiiskan. Waxay ku dhex-dhacday kulan musharrax Isniintii markii ay ku qaldantay Kahn oo si ku-filan u riixin xeer-dejinta iibka liqour-ka Axadda — iyada oo si cad u muuqata in aanay ka warqabin in Kahn ay ahayn u-doodaha ugu cadcad Xeer-dejinta ee dabcinta xeerarka liquor-ka.

Kahn waxay ka mudan tahay Rer-Minnesota mahadnaq shaqada wacan ee ay ka gudatay xeer-dejinta. Laakiin cod-bixiyayaasha Degmada kuma laha kursi Xeer-dejinta 2017-18. Kursigaas waxa leh dadka degmada, oo waxay u baahan yihiin cod sida Noor ballan-qaadayo inuu dhiibo.