Editor's note: The following is a Somali-language translation of a counterpoint to the Star Tribune Editorial Board's endorsement of Mohamud Noor in the DFL primary in District 60B. The English-language version is here.

Si ku lid ah taageerada Guddida Tafatireed ee Star Tribune ee Mohamud Noor ee Degmada 60B aasaaska DFL ("Xulashooyinkayga: Dhibbooga iyo ruugcaddaaga sharci-dejineed," Ogoosto 3), Ilhan Omar waa dhisaha isbahaysiga aynu u baahannahay inay ku matasho degmadan dadka kala duwan ku nool yihiin Kongareeska Gobolka.

Kahor ololaha Ilhan, waxay ahayd wax aan caadi ahayn marka la eego degganayaasha muddada dheer, dadka Maraykanka ah ee cusub iyo ardayda degmadu inay isla hadlaan, wax aad u yar ka wada shaqeeyaan hadaf guud. Ololaha Ilhan wuxuu dhisay isku-duubni ka dhaxaysa kooxahan waana ifafaale muujinaya waxa degmadeenu noqon karto: bulsho midaysan taasi oo hore ugu dhaqaaqda horumarinta ahdaafteena aynu wadaago ee horusocod.

Ilhan waxay rumaysan tahay in kala duwanaanshaha dadka degmadani ay tahay waxa ugu fiican ee aynu leenahay. Iyadoo ah wakiilka gobolkeena, waxay iskugu keeni doontaa codadka oo dhan miiska si loo dhiso Minnesota barwaaqo ah oo dadka oo dhanna u siman yihiin.

Ilhan waxay leedahay faham gooni ah arrimaha macnaha u leh Degmada 60b waxaana ugu wacan wada-sheekaysiyada badan ee ay la yeelatay xubnaha bulshada ee dhammaan xaafadaha. Awoodda dhagaysiga si qoto dheer iyo dhisidda xidhiidho iskaashi dadka meelo kala duwan ka soojeeda dhexdooda waa sifo muujinaysa hoggaaimiyenimadeed waa xirfad muhiim ah marka la eego degmo dadku u kala duwan yihiin sida teena iyo Sharci-dejin u kala jaban sida kan Minnesota.

Waxay ku muujisay noocan hoggaaimiyenimo shaqadeeda ahayd kaaliye sare oo siyaasadda ah oo ay u ahayd Xubinta Golaha Magaalada Minneapolis Andrew Johnson, markii ay qabatay kalfadhiyo dhagaysi iyo fagaarayaal kala lduwan si ay taageero ugu muujiso xanuunka mushaharka leh. Sidoo kale, intii ay u shaqaynaysay Waaxda Waxbarashada Minnesota, waxay la shaqaysay degmadooyinka baadiyaha iyo magaalada labadaba si ay fuliso barnaamijyada cuntada dugsiga kadib.

Ilhan waxay la timi xiise wayn iyo dareen xooggan oo degdeg ah arrimaha ugu adag ee na soo waajaha degmo iyo gobol ahaan. Waxay ku dhaqaaqi doontaa inay suuliso kala duwanaanshaha qoomiyadeed iyo dhaqaale ee Minnesota. Ilhan waxay u doodi doontaa adeegyada wada-gaadhista ee dugsiyadeena si carruurteena oo dhan u guulaysan karaan. Waxay u dagaalami doontaa qoysaska shaqeeya si ay markaa u heli karaan ikhtiyaaro daryeel ilmeed oo rakhiis ah. Waxay la shaqayn doontaa ardayda kuuliyadaha si ay u soosaarto xalal sharci-dejineed oo lagu maaraynayo daynta kuuliyadaha laguna dhimayo lacagta laga qaado waxbarashada.

Ilhan waa murashaxa kaliya ee ku baaqaya ka taqalus dhammaystiran ee shidaalka dhulka laga soosaaro kuna soojeedin doonta indhaha adduunka sharci loo sameeyo bey'adda. Siyaasadahan waxay noqon doonaa qaar dhaqangala sababtoo ah Ilhan waxay la shaqayn doontaa xubnaha bulshada si loo sameeyo. Ballanqaadkan maamul-wadaaggu wuxuu u soo jiiday Ilhan taageerada boqolkiiba 55 waftiyada shirkii Degmada 60.

Marka laga daro isbahaysiga ballaadhan ee taageerada bulshada, Ilhan waxay leedahay liis xooggan oo ayidsanaan ah. Ma haysato oo kaliya taageerada Meeyarkii Minneapolis ee hore R.T. Rybak, ee sidoo kale waxay haysataa taageerada Sanatarka gobolka Patricia Torres Ray iyo Scott Dibble iyo sidoo klae Johnson iyo saaxiibadiisa Golaha Magaalada Minneapolis ee Alondra Cano iyo Lisa Bender. Ilhan sidoo kale waxay haysataa taageerada Ururka Kalkaalisoyinka Minnesota, TakeAction Minnesota, OutFronta Minnesota Action, iyo Soomaalida Maraykanka ah, dadka taageera haweenka iyo Afrikaan-Maraykanka qawqasiyiinta DFL-ka Afrikaan-Maraykanka.

Degmada 60B mid kamid ah kuwa ugu waawayn gobolka xagga kala duwanaanshaha dadka, mana sugi karno mustaqbal u sinnaanshuhu sidan dhaamo. Dakhliga dhexe ee qoysku degmadeena waa kaliya $24,000, marka loo eego celceliska gobolka ee $60,000. Ugu dhawaan boqolkiiba 60 bulshada Bariga Afrika waxay ku nooshahay meel ka hoosaysa xariiqda saboolnimada. Xaqiiqda in caddaalad darrooyinka jiraan waxay muujinaysaa baahida loo qabo cod cusub oo xooggan oo ka baxa Capitol.

Markaynu siino codadkeena Ilhan Omar Salaasada, waxaynu u codaynaynaa horyaal horusocod kaasi oo sida ugu fiican ugu adeegi doona degmadeena wakhtiyadan dhibta badan meelna iskugu keeni doona codadkeena kala duwan ee dhaca dhammaan khadadka inna kala qaybiyey. Cod la siiyo Ilhan waa cod lagu xidhayo galdaloolka laguna soo qaddimayo ajande diiradda saaraya caddaaladda dhaqaale, bulsho, qoomiyeed iyo bey'eed. Waa cod u sugnaaday degmada halkaasi oo deggane kasta uu dareemi doono in la dhagaystay oo la qaddariyey.

Abdirizak Bihi waa hoggaamiye bulshada Soomaalida iyo deggane Cedar-Riverside. Ann Gilbert waa deggane xaafadda Seward. Noah Shavit-Lonstein waa arday dhigta Jaamicadda Minnesota.