Abdimalik Mohamed ayaa dhallinyaro Soomaali ah tusaya in ay shaqooyinka dowladda yihiin kuwa la heli karo. Yasmin Muridi ayaa macallimiin u sharxeysaa sida uu u egyahay iskuulada xerada qaxootiga. Abdi Mohamed wuxuu kala bixiyaa waraaqo fara badan oo u baahan in lagu turjumo Af-Soomaali.

Saddexdaasi waxa ay ka mid yihiin Soomaalida Mareykanka ah ee soo badaneysa ee loo shaqaaleeyey in ay noqdaan dadka sameeya isku-xiridda si looga gudbo in ay dhacdo is-faham la’aanta u dhaxeysa jaaliyadda Soomaalida Minnesota iyo hay’adaha dowliga ah. In kasta oo ay xubnaha jaaliyadda qaarkood soo-dhaweeyaan in shaqaalaha qaabbilsan gacansaarka laga dhigo Soomaali xirfadleyaal ah, haddana qaar kale ayaa welwel ka qaba in ay dadkaasi yihiin kuwa loo adeegsado jaajuus ahaan.

Jaceylka ay dadkaasi u qabaan adeegga bulshada ayaa ka dhigtay sidii kubbad u dhaxeysa laba dhaqan xilli uu jiro tuhun aad u weyn oo laga qabo xukun lagu riday dhowr dhallinyaro oo ah Soomaali.

“Haddii aanan matalin bulshadeenna, hadaba yaa kale oo isku xidhaayo sheekooyinka?” Abdimalik ayuu yiri.

Abdimalik Mohamed

Xafiiska Qareenka Guud ee Gobolka Minnesota

Sannadkii hore Abdimalik mar uu soo booqday Soomaaliya isagoo fadhiya makhaayad ayaa nin isku qarxiyey meel u jirta hal dariiq. Waxa uu fahamsan yahay in ay lama-huraan tahay dedaalka ka hortagidda argaggaxisada. Waayaragnimadaas waxa uu ka bartay in ay lama huraan tahay in wax loo qabto dhallinyarada si looga hortago in ay ku biiraan dad xagjireyaal ah.

Xafiiska Qareenka Guud ee gobalka Minnesota, Andrew Lugar, ayaa bishii Jannaayo Abdimalik u qortay in uu uga shaqeeyo arrimaha gacansaarka xiriirka jaaliyadda, markaasna wuxuu u shaqeynaayey Ka Joog oo ah urur loo aqoonsaday u diyaarinta barnaamijyada hoggaaminta iyo talo siinta dhalinyarada. Waxa uu raadinayey “Imtixaan cusub,” wuuna helay.

Qiirada Jaaliyaddu kor ayay u kacday markii xukun ay dowladda dhexe ku ridday sagaal wiil oo deggenaa Magaalooyinka Mataanaha ah, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay isku dayeen ka-bixidda waddanka si ay ugu dagaalamaan muslimiinta xagjirka ah ee Suuriya. Haddaba waxa kale oo jiray barnaamij cusub oo ka yimid dowladda dhexe oo la rabay in fikradaha noocaas ah looga weeciyo dhallinyarada taas oo la kulantay karhotag xaga bulshada iyagoo aminsan in ay tahay barnamij lagu ilaalinaayo oo na lagu shaabbadeyn doono Muslimiinta. in kasta oo uu Lugar axdi ugu qaaday isagoo yiri, “Marna kuma fekerin inaan sir-doonid u isticmaalo hawlaha xiriirinta jaaliyadda.”

Isla arrintaan Abdimalik Mohamed wuxuu naftiisa isu arkaa tusaale ka mid ah kuwa buuxin kara isku-xiridda maqan. “Aniga shakhsi ahaan shaqadeydu waa mid ku saabsan in ay dhallinyardu rumeystaan helidda shaqooyin heer sare ah. Si ay u dhihi karaan, ‘Waxaan u shaqeyn karaa dowladda,’ ” ayuu yiri.

Shabakadaha xiriirka bulshada ayuu dhallinyarada ku buraarujiyaa in ay ka foojignaadaan gelidda ururrada xagjirka ah oo na ku dhiirrigeliya in ay codsadaan shaqooyinka dowladda.

Wuxuu abaabulaa munaasabado uu gacansaar kula yeesho jaaliyadda, sida Xarunta Badqabidda Dadweynaha ee Degmada Hennepin County oo uu uga hadlo welwelka laga qabo naceybka lagula kacay muslimiinta ka dib qaraxii bishii saddexaad ka dhacay magaalada Brussels. Waxa uu yiri falanqeynta dadka nacayb Islaamka loo hayo ayaa isaga tusay sida uu xafiiska Qareenka Mareykanka u taageersan yahay “xuquuqda madaniga ah iyo xorriyadda madaniga ee dadka oo dhan nooc kasta.”

“Muslim ahaan aniga ayey micno weyn ii leedahay,” ayuu yiri.

Abdimalik hadda wuxuu ka tirsan yahay guddiga qorsheynta ee isku dayi doona in ay isu keenaan Golaha Qareemmada ee Heer Qaran, Golaha Qareemmada Soomaalida ee Waqooyiga Mareeykanka, iyo kooxo kale oo ah xirfadleyaal ka warhaya naceybka loo hayo Islaamka.

“Quruxda ay shaqadan leedahay, in kastoo ay noqon karto shaqo lagu wareeri karo, run ahaantii way dhageystaan dadka talada neh way qaataan,” ayuu yiri. “Dadku waa ay noo dhega nugul yihiin. Waxaan rabaa inaan u caddeeyo [bulshada Soomaalida] in xafiiskan nagala daryeelo.”

Yasmin Muridi

Dugsiyada Dadweynaha ee St. Paul

Yasmin Muridi waa qofka kaliya ee Soomaali ah ee ka tirsan shaqaalaha dugsiga hoose ee dugsiga Four Seasons Elementary ku yaalo St. Paul, waana iskuul isticmaalo farshaxanka si ardeyda loo baro maaddooyinka kala duwan. Shaqooyin badan ayey qabataa — kaaliye macallin, xiriiriyaha qoysaska ardeyda, turjubaan, ilaaliyaha basaska iskuulka iyo macallinka casharrada u haro ardeyda iskuulka kadib — oo marna kama ay cabsato inay u dhaxeyso hawlahaas oo dhan.

Mararka qaarkood Muridi waalidiinta mustaqbalka ayey guryahooda ku soo booqataa. Waxay tiri waxaan rabaa in ay iskuulkeeda ku soo biiraan arday badan oo ah Soomaali, laakiin wax sahlan ma aha in waalidiinta Soomaalida lagu qanciyo in ay carruurtoodu keenaan iskuul xoog saara habka farshaxanka. “Waxay qabaan dareen ah in ay carruurtoodu xiisadaha oo dhan ciyaari doonaan,” ayey tiri. ‘Waxaan u sheegaa in ay waalidku noo yimaadaan oo ay indhahooda ku arkaan iskuulka.”

Howsha iskuulka waxaa usii dheer, in ay Muridi si adag ugu dadaasho ka fogaanshaha shakiga ay dadka qaxootiga qaarkood kala yimaadaan dalalkooda.

“Waxay igu yiraahdaan, ‘Waxaad tahay qof la iibsaday,’ ” ayey tiri. Laakiin Muridi waxay u xaqiijisaa in aysan khasab ku ahayn in ay ka jawaabaan su’aalaheeda, taas ayaana ku caawisay in ay waalidku aaminaan.

“Waxaan u ahay walaal. Waxaan u ahay hooyo. Waxaan u ahay eeddo iyo saaxiib,” ayey tiri. “Waxaan u muujiyaa inaan ahay qof adag. Waxaan rabaa in ay si degdeg ah wax u bartaan oo ay masuul noqdaan. Waa in aan wax kasta baro.”

Abdullahi Ali wuxuu ka mid ahaa waalidiinta shakiga qabay. Isaga iyo qoyskiisu waa ay ku cusub yihiin waddanka, gabadhiisu mar dhow ayey u gudbeysaa fasalka afaraad. Ali wuxuu yiri waxaan baqdin ka qabay inaan gabadheyda iskuul geeyo.

“Waxaan cabsi ka qabay in ilmahaygu ka lumo dhaqankooda,” ayuu yiri. “Laakiin Yasmin ayaa runtii i caawisay. Gabadheydu weli waxay ku hadashaa afkeedii hooyo, afka Ingiriiskana waa ay barataa.”

Si waalidka loogu caawiyo isku-xiridda xagga dhaqanka Muridi waxay marti gelisaa hab loo fahmi karo nidaamka iskuullada. Waxa ay dadka bartaa habdhaqanka iskuulka iyo muhiimadda ay leedahay in waalidku iskuulka lug ku yeesho.

Waxa kale oo ay macallimiintu ku tiirsan yihiin in ay Muridi uga jawaabto su’aalo la xiriira ardeyda. Muridi waxa ay dareensan tahay inay waajib ku tahay in ay macallimmiinta barto “bay’adda ay ilmuhu ku soo koreen.”

“Sidee uga dhaadhicin kartaa macallin ka yimid bulsho weeynta in ardayga ku cusub fasalka 10-naad oo ka yimid qaxootiga oo uusan weligiisba iskuul dhigan?” Muridi ayaa weydiisay.

Dhibaatooyinkaas oo jira ayey Muridi aragtaa in ay horumar gaaraan ardeyda iyo qoysaskooda. Waxay rejeyneysaa inay macallimad noqoto oo ay sii waddo caawinta qoysaska.

“Waxaan bartay sida aan dadka u soo jiidan karo,” ayey tiri. “Waxaan fahamsanahay baahidooda.”

Abdi Mohamed

Xafiiska ciidanka nabadgelyada Degmada Hennepin

Abdi Mohamed barbaarinta iyo koridda uu soo maray uma diyaarin shaqadiisa oo ah xiriiriyaha bulshada Soomaalida ee xafiiska maamulka ciidanka. 2012 ka hor inta aysan asxaabtiisa Soomaalida-Mareykanka ah ku qalqaalin inuu ku biiro koox ka shaqeysa hawlaha jaaliyadda Soomaalida ee xafiiska maamulka booliska, Abdi wuxuu ahaa darawal 10 sano.

“Si la isugu keeno ciidanka nabadgelyada iyo bulshada, waa in wacyigelin loo sameeyo labada dhinacba,” ayuu si adag u yiri.

Tusaale, sannadkii 2014 Abdi wuxuu gudbiyey codsi lagu oggolaado in ay maxaabbiista degmada Hennepin xiran karaan xijaab, xafiiska maamulka ciidanka codsigaas si sharci ah uyuu u ansixiyey.

Abdi oo dhererkiisu yahay 6 fiit iyo 3 inji, culeyskiisuna yahay 240, jooggiisa iyo dharka shaqada ayey jaaliyaddu ku gartaan.

“Dadku xaqiiqadii waxay igu qaldaan inaan ahay boolis,” ayuu Abdi yiri. “Waay i fiiriyaan oo waxay igu yiraahdaan, ‘Alla, waad ku mahadsan tahay inaad halkan joogto.’ Sarkaal boolis ma’ihi. Shaqadeydu waa in aan sharxo nidaamka ay wax ku socdaan. Ma ururiyo mana qaado macluumaad dadka lagu xiri doono. Waxaan ahay qof ka mid ah dadweynaha caadiga ah.”

Abdi wuxuu hawlo gacansaar ah la yeeshay 43 magaalo oo ku yaalla gobolka Minnesota iyo meelo ka baxsan. “Aad ayaan u mashquulsanahay,” ayuu yiri isagoo gaarigiisa istaajiyey Xarunta Bulshada ee Brian Coyle, goob barkulan u ah una adeegta kumannaan soo-galooti ah. “Maalin kasta dibadda ayaan u soo baxaa.”

Abdi wuxuu noqday qof caan ka ah xarunta, habdhaqankiisa oo ah mid qabow ayaa u fududeysa in uu dadka soo jiito. Qaarkood waxa ay u bogaan ixtiraamka uu u haayo ciidanka nadabgelyada. Qaar kalena waxa ay weydiiyaan fursadaha shaqada ee ka jira xafiiska maamulka booliska.

Abdirizak Bihi oo ah nin abaabula una dhaqdhaqaaqa jaaliyadda, ayaa isna yiri waxaa jirtay is-aaminid la’aan markii hore ee aysan jirin Soomaali ka tirsan ciidanka nabadgelyada. “Dhallinteenna yaryar waxay u haysteen dadka isaga [Abdi] la mid ah iyo boolisku in ay yihiin dad xun iyo sirqaadeyaal booliska u shaqeeya. Laakiin arrintaas waa ay is beddeshay,” ayuu yiri Bihi. “Hadda boqolkiiba 70 ilaa 80 ka mid ah dhallinteenna yaryar waxay rabaan in ay noqdaan Abdi oo kale iyo saraakiisha [Soomaalida] kale,” ayuu intaas ku sii daray.

Qaar badan oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ayaa rajo xun ka muujiya ciidanka nabadgelyada, iyadoo ay ugu wacan tahay sidii uu dalkoodu ahaa, ayuu Abdi yiri. “Waa caqabad in loo sharxo ciidanka nabadgelyada ee dalkan inay iyaga caawinayaan,” ayuu yiri Abdi oo gobolka Minnesota ku noolaa tobannaan sano.

Marka uu ciidanka nabadgelyada tababar ku siinayo kala-duwanaanshaha xagga dhaqanka, wuxuu u sheegaa in ay laaluushka Afrika caadi ka tahay. “Waxa kale oo uu u sheegaa, ‘Haddii aad aragtaan qof ka soo jeeda Afrikada Bari oo gaarigiisa ka soo baxaya si uu kuugu yimaado, xabbad ha ku furin.’ ”

Abdirahman Mukhtar oo maamule ka ah barnaamijka dhallinyarada ee xarunta Coyle ayaa isna sheegay in ay gacansaarka jaaliyaddu muhiim tahay. “Waxaa jira waxyaabo badan oo belef ah,” ayuu yiri Mukhtar, “Abdi wuxuu nala wadagaa waxyaabaha xaqiiqada ah.”