To read this article in English, please click here.Nuuradiin Hussein waxa uu yimid Denmaark 18 jirkiisii keligii kumuuna hadli karayn hal eray oo Dhaanisha.

Maanta, magaalada dekedda ah ee Aalborg, haddaba isagu waa wajiga ee barnaamijka ugu dooda badan Denmaark ee hakinta socdaalka ay ku tageen dadka dhalinyarada ahi furinta dagaalka ee Bariga Dhexe. Waxa uu horkacay iskaashi dhex mara magaalada, booliska iyo masaajidada magaalada afraad ee ugu wayn Denmaark, taas oo la arkay kaliya labo ka mid ah tegitaankooda.

Aabo saddex carrur leh, Hussein waxa uu bixiyay hadal jilicsan oo damqasho leh—waxa uu si adag ugu baaqay in dadka dhalinyarada ahi aanay qaadan aragti aan marmarsiiyo lahayn. Wuxuu Eebe ka baryay waayo-aragnimadiisa qaxooti Somali ahaan uu goostay si uu u helo meel uu cagaha dhigo dhulkiisa, halkaas oo waxbarashda iyo daryeelka caafimaadka ay lacag la'aan yihiin, iyo dagaalyahadanada shisheeye ee soo laabanayaa heelaan hogaamis, ma'aha wakhti xabsi.

"Hadii aad Denmark timaado adigoo da'yar ama aad halkan ku dhalatay," waxa uu odhanayaa, "mahaysatid wax marmarsiiyo si aad u waydo nolol wanaagsan."

Siddeed sannadood, Hussein waxa uu ahaa shaqaale bulsho xaafadda deriska ee u soo guurey ee bariga Aalborg, halkaas oo uu barayay wiilasha in ay la tacaalaan khilaafaadka si nabad ah. Laakiin sannadkii 2010, nin dhaliyaro Somali ah Hussein kaas mar uu ogaa sida balanqaad adaynimo ayaa isku dayay inuu weeraro sawirle Copenhagen kaas oo sawiray nebi Mohammed.

"Taasi waxay ahayd dhab ahaan tii iigu xanuun badnayd, inaan maqlo," Hussein ayaa yidhi.

Dabadeed 2013, qof dumar ah oo dhallinyaro ah, taas oo guursatay mujaahid Suuriyan ayaa tegtay bariga dhexe iyada iyo walaalkeed. Hussein iyo kuwa kale ee Aalborg waxay qaadeen tallaabo. Waxa uu ka dhaadhiciyay hoggaamiyayaasha maxaliga ah ee diinta in ay ka hadlaan cibaadayasta qorista xagjirka. Wuxuu martigeliyay doodo furan ardayda dugsiga sare ee ku saabsan siyaasadda iyo aqoonsi, caqabadaha bulshada ama sidaa lidkeeda maskaxda bulshada Danishka.

"Wuu ixtiraamaa dadka wuuna dhegaystaa si wanaagsan," ayuu yidhi Mai-Britt Iversen, xildhibaan magaalada Aalborg.

Maalmo kadib weerarka Copenhagen 2015 ayay dhallinyaro Islaamiyiinta xagjirka ah, ee Aalborg ee dugsiyada sare ay faallo ka bixiyeen fasalka iyo Facebook ay ku ammaanayaan weeraryahanada. Dugsiga ayaa la soo xidhiiday Hussein. In uu kulan la yeesho ardayga, Hussein si samir leh ayuu u dhageystay - kaliya waxa uu radinaayay dareen, wiilkii ayaa yidhi - laakiin wuu ku adkeeyay in faalooyinku aanay ahayn caadi. Wuxuu faray dhallinyarada, macalinka iyo waalidka tababar si ay u caawiyaan in la dhiso isku xidhka wiilkooda.

Sidoo kale, Hussein na wuu xidhiidhinayay: "Wada sheekaysi wanaagsan oo ku saabsan in uu ahaado muslim waangsan ayaan ka hadalnaa."

Mila Koumpilova • 612-673-4781