Katia Iverson iyo Abdirahman Abdullahi waxay wada qaateen 90 maalmood. Marka la eego Katia, oo ah maareeyaha kiiska, taasi waa marka ay ka hogaamiso qaxootiga dhawaan soo galay inay la qabsadaan nolosha Minnesota. Marka la eego Abdi, oo ah aabo shan carruur leh oo halkan yimi gu'gan, maalmahaasi waxay beddelaan sugitaan dheeraay oo uu kujiray xerada qaxootiga Itoobiya.
"Kawaran haddii aananu diyaar ku noqon saddex bilood?" ayuu Abdi waydiiyey Katia. "Miyaad iskaga kaaya tagi?"
Sannad aad u mashquul ah ayuu u yahay Katia iyo adeegayaasha kale oo kujiro safka hore ee Labada Magaalo ee Mataanaha, oo ah mid kamid ah meelaha dalka ugu badan dib-u-dejinta. Minnesota waxa ay diyaar u tahay in ay qaadato 2,530 qaxooti, tasi oo ka badan sannad kasta tobankii sano ee tagay.
In kasto ee doodu meel adag marayso, waay socotaa shaqada dib-u-dejintu: Qaar waxay ku doodayaan in Maraykanku aanu qaadan qaxooti ku filan marka la eego dhibaatooyinka adduunka ka jira taasi oo barakicisay dad aad u badan. Qaar kale waxay diidayaan Maraykanku inuu qaatay dad badan, oo culays ku ah gobollada xagga kharashka iyo walaac kusaabsan ammaanka.
Maalmaha intooda badan, doodaasi waxay u ahayd cod dambe oo hoose Katia oo u shaqaysa Golaha Kaniisadaha Minnesota, oo ah mid kamid ah hay'adaha dib-u-dejinta gaarka loo leeyahay ee heshiiska kula jira dawladda dhexe. Waxay ku cabbirtaa shaqadeeda korodhka 90 kaas maalmood – wakhti ay ku siiso Abdi meesha uu ka dagayo xaafadda waqooyiga Minneapolis iyo tukaanka rashiinka ee Maraykanka, u diiwaangaliso qoyska dheefaha dadwaynaha, dugsi ka diwaangaliso carruurtiisa, ku xidho la-taliye shaqo sida ay marka dambena oo ay isaga fursad u siiso inuu kaligii maareeya hawsha.
Dhawaaq siyaasadeed oo fudud masoosaarto saddexdaas bilood oo mashquulka ah. Baadhista nafsada oo qaylada dheer inta lagu jiro, Katia iyo Abdi waxay la halgamaan su'aalaha muhiimka ah ee maalinlaha ah: Ma haystaan wakhti ku filan?
Febraayo dhammaadkeeda shantii habeenimo kadib, Katia ayaa markii ugu horraysay aragtay Abdi iyo qoyskiisa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Minneapolis-St. Paul. Waxay ogaatay in qoysku ay imanayeen laba toddobaad kahor, taas oo ah digniinta caadiga ah ee ay ka hesho dawladda dhexe.
Katia waxay ka dhex gashay koox qaraabo kala fog ah iyo jaarar hore oo ka yimi xerada qaxootiga kuwaasi oo u yimi inay salaamaan iyaga. Waxay u jilbajoogsataa salaamista gabdhaha Abdi. Mohamed Daher ee wada shaqeeyaan Katia oo xidhan suudh haystana koob bun ah, ayaa u turjimaaya.