AARHUS, Deenmaark – Mohamoud Abdullahi wuxuu sameeyey wax kasta oo uu karo si uu uga ilaaliyo gabadhiisa ku biirista dagaalka Suuriya.
Wuxuu marar badan uga sheekeeyey dagaalada sokeeye ee waddankiisii Soomaaliya iyo saameynta ee ku yeelatay badbaadayaasha isagoo kale ah.
"Ilaa aad tabobar qabto, ma aadi kartid goob dagaal," ayuu ugu digay.
Laakiin maalmihii ugu dambeeyey 2013, ardayaddan kuuliyadda dhigata ee 22-jirka ah ayaa soo hadashay si ay u sheegto inay jidka ku sii jirto si ay ula midowdo odaygeeda kaasi oo dhawaan u socdaalay Bariga Dhexe. Waxay ahayd mid kamid ah 30 dhallinyar ah oo ka tagay magaalada labaad ee Deenmaark ugu wayn kuwaasi oo u baxay Suuriya sannadkaas.
Mawjadda socdaaladu waxay galisay qaranka xagga hore dadaalada adduunku ugu jiro joojinta qulqulka dagaalyahanada ka jawaabaya baaqa Islaamiyiinta xagjirka ah. Hadda waa tijaabin fikradda in bulshadu ku daciifin karto duufsiga xagjirnimada aragti cajiib ah oo ah Wanaagga Iskaandaneefiyaanka – mas'ulka jooga Minneapolis-na si dhaw ay ula socdaan.
Deenmaark waxay la talisaa dadka xagjiroobaya, shaqo u raadisaa dagaalyahanada ajanabiga ah ee soo laabanayo, tabobartaa xubnaha qoyska oo gaadhaa masaajidka Aarhus ee xagjirka oo halkaasi Abdullahi gabadhiisa mar ay cibaado u tag tay. Maamulka halkaan waxay leeyihiin habkan dabacsan wuu shaqeeyey: socdaalista dhallinyarta ilaa heer ayuu yaraaday.
Video (06:32): Ka mid noqoshada iyo xoriyadda diinta ayeey u kaashataa Denmaark qaabkeeda gaarka ah ee ka xoraynta xagjirnimada.
"Muunadda Aarhus ma aha kaadh bilaash ah oo jeel-ka-bixis ah, laakiin waa isku-dar wada-hadal iyo dhisbiliin adag," ayuu yidhi Jacob Bundsgaard, duqa magaalada Aarhus.