MAGAALADA QUEBEC – Intaan ka hor meydkooda la qaadin oo dhiigoodii laga nadiifin masijdka rooggiisa, waxay xajiyeen kabaha liixdii marxuumyaasha. Sida loogu Khashuuco darteed, meel ka mid ah xarunta muslimiinta ee Islamic Cultural Center gudaheeda waxaa ka muuqata kabayaasha kuwii nin aan fayoobeyn bishii koobaad ee 2017 goor fiid ah bacdal makhrib xabbado ku diley.
Maxime Fiset oo ah nin kale ayaa isna muddo aan fogeyn ayaa laga yaabaa in uu noqon lahaa dilaaga; waa nin ku dhashay Quebec kuna soo barbaaray meel aan ka fogeyn, balse Fiset asagoo ah dhoor-iyo-toban jir ayuu abaabulay koox xagjireyaal ah oo u janjeera dhinaca midig, dabadeedna waxa uu qorsheystay in uu fuliyo weerar uu isagu dad isku qarxiyo.
"Boqol iyo konton doollar, saddex dukaan iyo hal galab: waxaan si fudud ugu sameyn karey bambo aan wax ku qarxiyo," ayuu yiri malin aan fogeyn.
Intii ay sidaas dhici lahayd, Fiset hadda wuxuu u shaqeeyaa hay'ad aan macaash ku shaqeyn oo Montreal laga sameeyey sida looga hortago xagjirnimada iyo si dhallinyarada mayalka adag looga soo celiyo jidka khaldan. Isagoo ah 28-jir, hadaba sheekadiisu waxa ay ku saleysan tahay naceyb loo hayo dadyowga kale oo ka jira Quebec—taasina waa arrin ay inta badan kala mid yihiin bulshada Mareykanka—balse waxa ay muujineeysaa guulihii ugu horreeyey ee lagu xalliyo argaggaxiso ka dhex abuurantay Montreal.
In kasta oo dedaalka ka hortaga la midka ah mustaqbalkooda dambe la hubin gudaha Minneapolis iyo magaalooyinka kale oo ku yaalla dalka Mareykanka, xarunta weeyn looyaqaano Centre for the Prevention of Radicalization Leading to Violence (CPRLV), ayaa tusaale u noqotay barnaamijyo kale oo laga hirgeliyey dalalka Biljam, Faransiiska iyo Kanada.
Waxa keliya oo uu barnaamijkan uga duwan yahay kuwa Yurub iyo Mareykanka waa in uu toos u wejaho xagjirnimada nooc kasta oo ay tahay—ma aha oo keliya kuwa isku sheega in ay muslimiin yihiin—ee waxaa xoogga lagu saaraa habdhaqan kasta oo ah calaamado keeni kara khatar iyo in dad dhib loo geysto, taasina ma aha mid u gaar ah fikradaha dadka mayalka adag oo keliya.
"Xagjire in la noqdo ma aha danbi—waaba wax fiican," sidaas waxaa yiri agaasimaha xarunta, Herman Deparice-Okomba, oo uu noo dhaxeeyey turjubaan. "Martin Luther King wuxuu ahaa nin mayal adag, xilligiisii. Gandhi wuxuu ahaa nin mayal adag, xilligiisii. Sidaas awgeed mushkiladdu ma aha mayal-adeygga, balse waa in dhibaato dadka loo geysto. Haddii aysan dowlad kasta taas fahmin, haddii uusan boolisku taas fahmin, markaas maba jireyso wax lagu guuleysan doono."
Iyagoo u dheertahay khadka telefoonka 24-ka saac eek a cawiyaan dadka, xarunta Ka-hortagidda ee CPRLV waxay qabtaan siminaarro ama aqoon-kororsi ay u soo bandhigaan dadka kale ee la kulma ama isha ku haya dhaqdhaqaaqyada xagjireyaalka, sida booliska, macallimiinta dugsiyada iyo la-taliyeyaasha.