MAGAALADA QUEBEC – Intaan ka hor meydkooda la qaadin oo dhiigoodii laga nadiifin masijdka rooggiisa, waxay xajiyeen kabaha liixdii marxuumyaasha. Sida loogu Khashuuco darteed, meel ka mid ah xarunta muslimiinta ee Islamic Cultural Center gudaheeda waxaa ka muuqata kabayaasha kuwii nin aan fayoobeyn bishii koobaad ee 2017 goor fiid ah bacdal makhrib xabbado ku diley.

Maxime Fiset oo ah nin kale ayaa isna muddo aan fogeyn ayaa laga yaabaa in uu noqon lahaa dilaaga; waa nin ku dhashay Quebec kuna soo barbaaray meel aan ka fogeyn, balse Fiset asagoo ah dhoor-iyo-toban jir ayuu abaabulay koox xagjireyaal ah oo u janjeera dhinaca midig, dabadeedna waxa uu qorsheystay in uu fuliyo weerar uu isagu dad isku qarxiyo.

"Boqol iyo konton doollar, saddex dukaan iyo hal galab: waxaan si fudud ugu sameyn karey bambo aan wax ku qarxiyo," ayuu yiri malin aan fogeyn.

Intii ay sidaas dhici lahayd, Fiset hadda wuxuu u shaqeeyaa hay'ad aan macaash ku shaqeyn oo Montreal laga sameeyey sida looga hortago xagjirnimada iyo si dhallinyarada mayalka adag looga soo celiyo jidka khaldan. Isagoo ah 28-jir, hadaba sheekadiisu waxa ay ku saleysan tahay naceyb loo hayo dadyowga kale oo ka jira Quebec—taasina waa arrin ay inta badan kala mid yihiin bulshada Mareykanka—balse waxa ay muujineeysaa guulihii ugu horreeyey ee lagu xalliyo argaggaxiso ka dhex abuurantay Montreal.

In kasta oo dedaalka ka hortaga la midka ah mustaqbalkooda dambe la hubin gudaha Minneapolis iyo magaalooyinka kale oo ku yaalla dalka Mareykanka, xarunta weeyn looyaqaano Centre for the Prevention of Radicalization Leading to Violence (CPRLV), ayaa tusaale u noqotay barnaamijyo kale oo laga hirgeliyey dalalka Biljam, Faransiiska iyo Kanada.

Waxa keliya oo uu barnaamijkan uga duwan yahay kuwa Yurub iyo Mareykanka waa in uu toos u wejaho xagjirnimada nooc kasta oo ay tahay—ma aha oo keliya kuwa isku sheega in ay muslimiin yihiin—ee waxaa xoogga lagu saaraa habdhaqan kasta oo ah calaamado keeni kara khatar iyo in dad dhib loo geysto, taasina ma aha mid u gaar ah fikradaha dadka mayalka adag oo keliya.

"Xagjire in la noqdo ma aha danbi—waaba wax fiican," sidaas waxaa yiri agaasimaha xarunta, Herman Deparice-Okomba, oo uu noo dhaxeeyey turjubaan. "Martin Luther King wuxuu ahaa nin mayal adag, xilligiisii. Gandhi wuxuu ahaa nin mayal adag, xilligiisii. Sidaas awgeed mushkiladdu ma aha mayal-adeygga, balse waa in dhibaato dadka loo geysto. Haddii aysan dowlad kasta taas fahmin, haddii uusan boolisku taas fahmin, markaas maba jireyso wax lagu guuleysan doono."

Iyagoo u dheertahay khadka telefoonka 24-ka saac eek a cawiyaan dadka, xarunta Ka-hortagidda ee CPRLV waxay qabtaan siminaarro ama aqoon-kororsi ay u soo bandhigaan dadka kale ee la kulma ama isha ku haya dhaqdhaqaaqyada xagjireyaalka, sida booliska, macallimiinta dugsiyada iyo la-taliyeyaasha.

Qaar ka mid ah dad xeeldheereyaal ku ah falalka argaggaxisada ayaa su'aal ka keenay in ay Mareykanka u shaqeyn karto xarun ku xiran dowlad. Hase yeeshee Eric Rosand oo ah aqoonyahan ka tirsan hay'ad cilmi-baaris oo la yiraahdo Brookings Institution, isla markaana agaasime ka ah mashruuca ka-hortagidda ee loo yaqaanno Prevention Project in Washington, D.C., ayaa yiri "Habka wejiyada badan ee haddana isku urursan" ee Montreal waa mid shaqayn karta.

"Haddiiba ay jiraan wax miradhal leh, waa mashruucaasi," ayuu yiri Rosand. "Dalal iyo magaalooyin badan ayaaba u baahan barnaamijkan ... ama wax kale oo la mid ah — caqabaddu waa in sida saxda ah loo sameeyo si loo xaqiijiyo loona tiirsado."

Fiset ayaa sidaas ku raacay. Laakiin waxa uu ka digay inay adag tahay in la sii ogaado argaggaxiso soo socota, oo haddii hadda dib loo eego sidii dadka xabbadaha loogu laayey masjidkoodii magaalada Quebec, xataa waxaaba adag in la sii ogaado digniino ama calaamado lagu sii garan karo xagjiraha noocaas ah.

"Waxaan u haystay inaan wakhti badan haysanno," ayuu yidhi Fiset. "Waan khaldanaa."

'Xaalad kala-qeybsan'

Waxaa jira waxyaabo ay dadka Minnesota kala mid yihiin xarunta Kanada ee ka-hortagidda xagjireynta ama CPRLV. Muslimiintu boqolkiiba 3 ayey ka yihiin tirada dadka ku nool magaalada Quebec — oo badankooduna waxa ay ka soo jeedaan dalalka Afrikada-waqooyi ee ku hadla afka Faransiiska — laakiin in ay magaalada joogaan ayaa keentay in si kala-qeybsan looga doodo arrima ay ka mid yihiin dulqaadka diimaha, muhaajiriinta iyo argaggaxisada.

Sannadkii 2014 ayaa dhowr kooxood oo ah ardey wax ka barata Montreal's Collège de Maisonneuve waxa ay bilaabeen in ay si dhuumasho ah ugu safraan Suuriya si ay ugu dagaalamaan kooxda la baxday Daacish ama Dowladda Islaamka ee Ciraaq iyo Suuriya. Ugu yaraan shan ayaa safray, laakiin 10 ayaa bishii Meey 2015 lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Montreal-Trudeau. Sidoo kale sannadkii 2014, nin Daacish taageersan oo ku nool Montreal ayaa dilay nin ka tirsan ciidammada qalabka sida ee Kanada. Waxaa jira sharci heer gobol ah oo la soo jeediyey saddex sano ka hor, oo la doonayey in goobaha dadweynaha looga mamnuuco calaamadaha diimaha, laakiin si degdeg ah ayuu sharcigaasi muran ugu keenay gobolkan oo ah mid ay maamulkiisu sheegtaan in ay diin oo dhan ka madax bannaan yihiin.

Magaalada Quebec waxa kale oo ku nool kooxaha ugu badan ee xagjireyaasha Kanada, oo dad badan ayaa sheega in ay iska ilaaliyaan wax ay u fahmeen Islaameyn lagu hayo dhaqankooda asalraaca ah ee Faransiiska Kanada. Waxaa jirta koox neceb muhaajiriinta ama soo-galootiga oo isku magacowday ciidan la yiraahdo "The Soldiers of Odin" oo xaruntoodu tahay dalka Fiinlaan, laakiin farac kooxdaas ka tirsan ayaa ilaalo ku sameysa qaar ka mid xaafado ka tirsan magaalada Quebec. Sidoo kale waxaa jirta koox kale oo iyaguna isku magacaabay La Meute (ama Yeyda Weerarka) oo abaabulay dad ka badan 50,000 oo iyaga taabacsan oo ay ku muujiyeen boggooda u gaarka ah ee Facebook.

"Argaggaxisada dalka gudihiisa ka abuuranta ma aha jiilka labaad ee muhaajiriinta oo keliya oo ka soo horjeesta bulshada deegaanka, laakiin waxa kale oo ku jira … kuwa kale oo ajinnebiga iska neceb," sidaas waxaa yiri Jamil Dhaoudi oo ah barfasoor magaalada Quebec ka dhiga Ingiriisiga oo na ku tukada misaajidka. "Marba haddii ay bulshada kala-qeybsantahay, sidaasi waaba sida ay rabaan kooxaha xagjireyaasha ah ee labada dhinacba."

Calaamadaha digniinta hore

Baarar casri ah iyo goob lagu soo bandhigo farshaxanka jaamacadda ayaa ku meegaarsan xafiiska xarunta ka-hortagga ee CPRLV, oo mid ka mid ah baararka ayaa wuxuu ku yaallaa dabaqa lixaad ee meel ku dhow Montreal xaafaddeeda la yiraahdo Latin Quarter. Gudaha baarka dadka galaya waxa ay dhex maraan dhisme ay sameeyeen dhallinyarada xarunta: dhismahaasi waa geed midabbo ku xardhan oo ay ku qoran yihiin "Caddaalad!" iyo "Kala-duwanaan!"

Iyadoo taageeradooda dhaqaale ee halkii sano ay tahay $2.5 million oo uga timaadda dowladda hoose iyo dowladda gobolka, ayaa xarunta ka-hortagga ee CPRLV waxaa u shaqeeya 17 qofood oo isugu jira shaqaale caadi ah iyo kuwa cilmi-nafsiga, adeegeyaal dadweyne iyo cilmi-baareyaal. Khadkooda taleefanka ee 24-ka saac ilaa bishii saddexaad 2015 waxaa ka jawaabeen 1, 500 oo jeer.

Si ay u qiimeeyaan heerka khatarta ee dadka loogu soo gudbiyey khadka taleefanka, Deparice-Okomba ayaa shaqaalahihiisa u sheegay in ay sameeyaan wax la yiraahdo "qiimeynta habdhaqankooda." Haddii laga eego dhinaca aan muhiimka ahayn ee qiimeynta cabbirka ugu hooseeya waa habdhaqan la mid ah ayidaadda wax cusub oo ka mid ah diin la rumeysan yahay iyo diididda caddaalad-darro bulshada ka dhex jirta. Dhinaca kale calaamadaha "welwelka leh" waxa ay isugu jiraan in uu qof si degdeg ah u gooyo xiriirka bulshada ama "sharciyeynta dagaal lagu difaaco qaddiyad." Laakiin waxa keliya oo laamaha ammaanka la ogeysiiyaa marka uu jiro qof dhib u geysan kara naftiisa ama dadka kale, Deparice-Okomba ayaa sidaas yiri. Hase yeeshee waxa uu afka ku dhuftay in dhammaan, ilaa iyo dhowr-iyo-labaatan taleefan oo loo soo diray ay xal u heleen iyadoo aan loo gudbin waaxda garsoorka.

"Waa inaan bulshada masuuliyad saarno," ayuu yiri. "Waa in aan joojinno inaan ka fekerno in ay booliska iyo ciidanka ammaanku yihiin jidka keliya ee loo baahan yahay si arrintaan wax looga qabto."

Xaruntan waxa ay beri hore talo-bixin u sameysay dhowr xagjireyaal, kuwaas oo qaarkood la wadaagtay sheekooyinkooda si lagu qoro buugta majaajillooyinka oo na ugu baarto kiisas dhab ah. Buugga majaajilada oo uu soo saaro qof magaalada ka shaqeeya ayaa isticmaala magaca "StarWarz" si loogu metalo dhaqdhaqaaqyada dagaalka aamminsan ee ah xagjireyaalka. Buugga gudihiisa saddex dhallinyaro oo ah reer Montreal ayaa ku sharxaya sidii ay ku noqdeen dad mayal adag iyo sidii ay ku go'aandsadeen in ay "ku biiraan kooxo wax iska caabbiya" oo jooga dalal kale, ka dib markii ay iyagu halkan kala kulmeen midabtakoor iyo markii ay daawadeen cajalado muuqaal ah oo lagu tusay cadownimo lagula kacay dad ay isku diin haystaan.

Ardey dhallintaas ka mid ah oo deggan Montreal ayaa difaacay fikraddiisa 'jihaadiga' ah: "Taasi waa meesha keliya ee aan ku muujin karno waxa aan aaminsannahay iyada oo aysan jirin wax dhaliilo ah oo aan nooga imaan kara."

Xarunta ka-hortaggidda ee CPRLV waa mid ka mid ah dedaallada ka jira Quebec ee la rabo in looga hortago dhibaatooyinka xagjireyaasha. Koox ka shaqeysa cilmi-baarista caafimaadka oo deggen Montreal oo la yiraahdo SHERPA ayaa hoggaanka u haysa isbahaysi ka kooban 60 xirfadleyaal oo daraasad ku sameeya xagjireyaasha deegaankooda, iyaga oo xagjireyaalka u fidiya tababar iyo talo-bixin iyo in ay u sii gudbiyaan goobo lagu caawiyo oo ay ka heli karaan shaqaalaha adeegga bulshada iyo kuwa caafimaadka.

Daraasad dhawaan lagu sameeyey in ku dhow 1,900 oo ah ardey ku jirta sannadka saddexaad ee kuleejka, kooxda SHERPA waxa ay ku ogaadeen in welwelka danbiyada ku saleysan naceybka iyo midabtakoorka ay yihiin waxa ugu daran ee ardeyda, balse aysan ahayn abaabulka iyo dadka sameeya falalka argaggaxisada. Tani la yaabka noqotay, shaqalihii daraasadda waxay ku soo gunaanadeen in ay arrimaha danbiyada naceybka ah yihiin khatarta ugu weyn ee dhibtaato ku keeni karta ardeyda oo ay uga sii daran yihiin danbiyada huwan magac diimeed.

"Waxaan haatan ognahay inaan kuleejyada iyo iskuullada u [sheegi] karno … waa in aad wax ka qabataan handadaadda, waa in aad wax ka qabataan midabtakoorka," Ghayda Hassan oo ah barfasoor dhiga cilmi-nafsiga, isla markaan ah la-taliye sare oo kooxda ka tirsan tiray. "Waa in aad wax ka qabataan cunsiriyadda goobta aad joogtaan, sababtoo ah arrimahaas ayaa dhallinyarada ku riixaya xagjirnimada."

Sidoo kale waaxda booliska ee Montreal waxa ay sameysay unug baaris iyo dabaggal ku sameeya falalka danbiyada ah ee naceybka ku saleysan. Taliyaha Booliska Caroline Cournoyer oo hoggaanka u haysa unugga ayaa tiri, ilaa 2013 falalka danbiyada naceybka ku saleysan waxa ay kordheen boqolkiiba 69, taasoo qeyb ka ah rabitaan badan oo ah in booliska loo yeerto. Waxa kale oo ay u maleyneysaa weerarkii masjidka magaalada Quebec in uu sii badiyey oo ilaa iyo hadda sannadkan booliska waxaa loo yeertay marar badan.

"Waxaan u maleyneynayaa in ay halkaan ka dhici karto," Cournoyer ayaa tiri.

'Meelo mugdi isku mid ah'

Sannadkii 2016 ayey xarunta ka-hortagidda xagjireynta ee CPRLV soo saartay daraasad ay ka sameeyeen xagjirnimada ardeyda jaamacadaha dhigta; daraasaddu waxa ay sheegtay in ay jiraan khilaaf u dhaxeeya dhallinyarada iyo qoysaskooda iyo in aysan dhallinyaradu bulshada ku haysan soo-dhaweyn.

Xaruntu waxay heshay taageereyaal aan la fileyn oo wax kasta ku raacsan sida Fiset.

"Waan akhriyey oo waxaan dareemay in ay, 'Taasi ahayd sheekadii nolosheyda, laakiin sidaas uma aha dhallinyarada muslimiinta ah,'" Fiset yiri. "Tallaabooyinkii xagjirnimada oo dhan ayaa halkaas ka muuqda, waa sida ay nolosheydu ahaan jirtay sida ku qoran warbixintaas. Waxayba ii ahayd wakhtigii is-beddelka … sababtoo ah waxaan dareensanaa in la i fahmay, waxaana dareemay inaan anigu wax caawin karo."

Fiset oo qaabkiisa iyo jooggiisu ay ka muuqdo in uu yahay nin karti badan ayaa markuu ahaa dhallinyarada waxa uu ku dhex lugeyn jirey dariiqyo barbar socda webiga St. Lawrence, dariiqyadaasina waa goobaha lagu lugeeyo ee magalada Quebec oo lagu sameeyey dhagaxyo afargees qurxoon oo genbis ah. Dhinaca waqooyi-bari ee Montreal, halkii ay ku taallay magaaladii hore ee qadiimka ahayd waa meelo Quebec ka mid ah oo weli aad ugu dheggen dhaqankoodii hore ee Faransiiska.

Hal habeen isagoo ilaalo ka ah meel uu ku ciyaari jirey carruurnimadiisii ayuu la kulmay koox ah dhallinyaro madaxa xiirata oo isu-bahaysta in ay dhibaato u geystaan dadka laga tira badan yahay iyo muhaajiriinta, oo kooxdaas ayaa ku bilaabay in uu ku fekaro naceybka dadka. Wuxuu saacado badan wax ka bartay shabakad la yiraahdo Stormfront, taas oo ah shabakad uu sameeyey nin madax u ah dadka caddaanka cunsuriyiinta ah ee la yiraahdo Ku Klux Klan; balse in yar dabadeed Fiset waxa uu bilaabay in uu xirto jaakado maqaar ah oo gaaggaaban iyo kaba dhaadheer si uu uga qeybgalo xaflado lagu qabto meelo ka baxsan magaalooyinka, kooxdaas waxaa astaan u ah in ay xirtaan dhar cadcad oo wejigooda qariya iyo in ay sameystaan laanqeyr ay dab ku ololiyaan oo ujeedkooduna waa in ay sidaas ku dagaal galaan.

Sannadkii 2007 ayuu Fiset oo ah 19-jir wuxuu aasaasay koox uu u bixiyey Fédération des Québécois Souche, oo kooxda wuxuu u naqshadeeyey inay isku ururiyaan oo hal meel isugu keenaan caddaanka cunsuriyiinta ah ee isku qariya waddan-jecelka iyo kuwa naasiyiinta ah. Isla markiiba waxaa lagu soo eedeeyey in uu hurinaayey fal ku saleysan naceyb, ka dib mar ay xubno ka tirsan kooxdiisa intarnetka ku soo qoreen baaq lagu sheeciyey in la laayo muhaajiriinta, oo dabadeedna waxaa loo xiray in uu isagu iskuulka ku haystay biro lagu xirto faraha gacmaha oo loo adeegsado in dadka lagu dhaawaco — taasoo ahayd arrin ay asxaabtiisu uga fogaadeen balse Fiset ka dhigtay mid dadka dhib u geysta. Hase yeeshee fikradihii gurracnaa ee Fiset ayaa sii kobcay ka dib mar uu macaamiil kula kulmay dukaan cuntada lagu iibiyo oo magaalada ku yaalla, oo dabadeedna wuxuu albaab-haye ka noqday baar caweys ah oo ay isugu yimaadaan lammaanayaasha isku jinsiga ah. Fiset waxa uu sheegay inuu aad ula dhacay dadka madaxda u ahaa sida ay u rumeysteen iyo in ay taariikhdiisa mugdiga ah wax saameyn ah ku yeelan karin shaqada ay siiyeen. Laakiin ururkii Stormfront oo Fiset u dallacsiisay in uu noqdo horjooge ayaa isagii oo dhan iska eryey ka dib markii ay soo ogaadeen shaqada uu ka hayey baarka makhnuudiinta. Markaa ka dib ayuu kama-dambeys la kulmay lammanihiisa oo ay hadda wada nool yihiin iyagoo ay u joogto gabar yar.

"Xaqiiqadii markaas ayaan is-weydiiyey noloshii aan ku jirey, waa maxay waxa ay danteydu ku jirto?" Fiset ayuu yiri.

Deyrtii hore ayuu la soo xiriiray xarunta ka-hortagidda xagjireynta ee CPRLV, oo waxaa loo shaqaaleeyey in uu xarunta ku caawiyo tababar inuu shaqaalaha u sameeyo si ay ku ogaadaan calaamadaha xagjireyaasha iyo in uu gacan ka geysto inuu mararka qaarkood qeyb ka noqdo hawlgallo waxqabad ah. Shaqadan waxa uu Fiset kula kulmay arday la soo qabtay iyaga oo raba in ay u safraan Suuriya.

"Waxaa ii caddaatay ardeydaas iyo anigu inaan si isku mid ah cagta u saarnay jid mugdi ah," ayuu Fiset yiri.

'Aniguba bu ahaan lahaa'

Mar uu Fiset booqday masjidka muslimiinta ee Quebec hal maalin goor fiid ah bishii hore, waxa ayba u ahayd markii ugu horreysay ee uu waligiisba masjid galo.

Masjidka oo uu derbigiisa weyn ee wejiga hore yahay muraayad — waxa uu ku yaallaa isgoys mashquul badan iyo dhisme la dumiyey oo beri ahaan jirey kaniisad — balse waxa uu masjidku bartilmaameed u ahaa falal naceyb ku saleysan muddo ka sii horreysay weerarkii bishii koowaad, oo falkii ugu dambeeyey wuxuu ahaa in albaabka loo dhigay danbiil uu ku jiro madax doofaar oo la soo jarjaray.

Isagoo masjidka idan weydiistay ayuu Fiset taleefankiisa adeegsaday si uu sawir uga qaato kabihii ay xirnaayeen dadkii lagu dhex dilay masjidka, oo weliba kabahaasi waxay ahaayeen kuwa xargahoodu weli furan yihiin oo ay dushooda ka muuqato cusbadii lagu daadiyey dariiqyada magaalada ee uu barafku ku da'ay. Nimanka la dilay ee kabahaas iska lahaa waxa ay kala ahaayeen nin kawaanle ah oo aad looga jeclaa magaalada, nin barfasoor ka ah jaamacad, iyo laba nin oo walaalo ah oo ka soo jeeda dalka Gaana oo xabbado lala helay iyagoo ka sii baxaya masjidka.

Fiset waxa uu si laga xumaado u eegay dalool weyn oo ka dhex muuqday miis buugta la saarto ka dib mar uu tusay Zied Kallel, oo ka mid ah xubin ka tirsan guddiga masjidka. Isla habeenkaas saddex ilmood oo weli qaba dhar ay ku aadeen meel ay karatee ka bartaan, ayaa iyaguna ku galgashay meel aan ka fogeyn laba dalool oo ah daaqaddii ay xabbaduhu haleeleen iyo meel dhowr tillaabo u jirtay meeshii lagu kala gooyey ninkii kawaanle Azzedine Soufiane, marka oo isku dayey in uu ka hortago ninka xabbadaha ku furay masjidka.

Haddii arrintan dib loo jalleeco, dadka reer Quebec ayaa isku dayey in ay helaan fikrado hore oo la xiriira ninka dad cibaadeysanaya xabbadaha ku laayey, kaas oo magaciisu yahay Alexandre Bissonnette — iyo waxyaabihii xagjinimada ahaa ee uu ku qori jirey intarnetka, iyo akhbaarta saxaafadda oo sheegeysa in uu ahaa nin xirxiran oo aad u jeclaa hubka noocyada xabbadaha laga rido; waxa kale oo uu aad uga helay murashaxad la yiraahdo Marine Le Pen oo ka qeybgashay tartanka madaxweynaha Faransiiska iyo Donald Trump. Hase yeeshee Fiset waxa uu diginin ka bixiyey calaamadahaas oo keliya in aysan ahayn wax noqon kara saadaal looga hortago xagjirnimada, ama kuwa lagu joojin karay in weerarkaasi dhaco.

Ma jiro qof awood u leh in uu dadka noocaas ah ku khasbo in ay "ka haraan xagjirnimada," Fiset ayaa sidaas yiri, laakiin isaga iyo dad kale ayaa noqon kara kuwa lagu tiirsanaan karo oo talo laga helo, iyagoo dadka ay isu dhow yihiin u sheegaya "siyaabaha iyo saansaanka dadka noocaas ah lagu garan karo."

Fiset wuxuu rajeynayaa hal maalin in uu la kulmi doono dilagii Bissonnette, iyo in uu u tixgeliyo mid ku habboon in uu yahay qof uu dhallinyaro ahaantiisii fahmi karo.

Laakiin bishii hada la soo dhaafay mar uu ka soo baxay masjidka iyada oo ay qorraxdii sii dhacayso, Fiset waa uu yara hakaday isaga oo niyaddiisa oo dhan u jeediyey habeenkaas dhiigga lagu daadiyey si macnodarro ah. Daqiiqado ah ayuu aammusnaa oo isaga oo taagan isla barxaddii baabuurta ayuu maskaxdiisa sawir ahaan uga fekeray bartii uu Bissonnette ka bilaabay in uu rido xabbadihii ugu horreeyey.

"Waxaan rabay inaan ooyo," ayuu yiri. "Sababtoo ah dhab ayey iga ahayd markii aan dhahay kasi aniga ayuu ahaan lahaa."

Stephen Montemayor • 612-673-1755
Twitter: @smontemayor