LONDON – Hanif Qadir wuxuu yaqaan isha ugu horraysa sida xagjiriintu dabinka u soo galiyaan dhallinyarta. Mujaahid dagaalyahan ah oo hore, wuxuu u soo baxay inuu joojiyo — laakiin mararka qaar wuxuu dareemaa in dawladdu caqabad ku tahay.
Qadir wuxuu ka walaacsan yahay farriinta la dagaalanka xagjirnimada ee uu keenayey jidadka bariga London inay dhuntay markii ay soo baxday kalsooni darro ku aaddan barnaamijka dawladda ee Kahortag. Tobankii sano ee tagay, wuxuu ka maalgaliyey bulshadiisa khayri.
Barnaamijka Kahortag ee UK waa kan ugu horreeyey uguna hammiga badnaa hindisaha la-dagaalanka xagjirnimada ee Yurub. Sidoo kale wuxuu soo jiitay dhalleecaynta ugu badan. Isbeddello lagu sameeyey kal hore oo ka dhignaaxoojinta barnaamijku waxay soo nooleeyeen eedaymaha inuu cambaaraynayo oo takoorayo bulshooyinka Muslimiinta ah.
Intii saraakiisha Magaalooyinka Mataanaha ah ay diyaarinayeen riixitaan looga hortagayo qorista xagjirka, waayo-aragnimada Biritan ee qotoda dheer oo qaadaysa dhabbo la mid ah waxay soo bandhigtay digniin.
Qadir uma arko barnaamijka Kahortag "olole ka dhan ah Muslimka." Laakiin wuxuu dagaal kula jiraa isku-dayada dawladda ee inay wax ka sheegto shaqadiisa khayriga ah iyo dhalleecaynta inuu ka weecdo caawinta xukumayaasha. Xagaagan, Ururkiisa Isbeddel Muuqda wuxuu bilaabay inuu iska joojiyo maagalinta Kahortag.
Video (04:53): Ururka Isbeddelka Muuqda waxay xooga saaraysaa wada hadalka furan xaga la dagaalanka xagjirnimada.
"Waa inaanu xidhiidh la lahaanaa bulshada," ayuu yidhi Qadir. "Haddii aynu sii wadno inaynu dawladda ula shaqayno si aad u dhaw, waxayna waayeyna codkeena, waxaanaynu noqonaynaa codka dawladda."
Xidhiidh shaqaynaya oo u dhexeeya dawladda iyo kooxaha bulshadu waa tab, waana qayb muhiim ah oo kamid ah waajihidda aqoonta mishiinka borobagaandhaha kooxaha sida Dawladda Islaamka ah ee Ciraaq iyo Shaam, ayey yidhaahdeen khabiirrada la-dagaalanka argagixisadu. Gudaha Minneapolis, ururka khayriga ah ee Soomaalida ee loo doortay inay tijaabiso mashruuca la-dagaalanka qorista ee fadaraalku wuxuu waajahay hawl isticmaalka khayraadka dawladda iyadoon shilin lagu bixin runtu waxay tahay.