Amatalah Adam • Qolka 1406
Qof u soo haajirtay oo hoygeedu noqday Minnesota oo "qof kasta jecelyahay" deeqsinimadeeda iyo ka qeyb galkeeda hawlaha bulshada
Amatalah Adam,78 waxa ay ku dhalatay Soomaaliya iyada oo timid Mareykanka sanadkii 2000. Marxuumada Ina Adam waxa ay hoy ka dhigatay Minnesota iyada oo qoyskeeda iyo saxiibadeed la wadaagi jiray fursadaha ay ka heshay waddankeeda labaad.
Qof aad looga jecelyahay bulshada Cedar-Riverside, Marxuumada Ina Adam waxa ay si hagar la'aan ah ugu doodi jirtay dadka aad u nugul — dakhligoodu hooseeyo da'dana ah.
Marxuumada Ina Adam Odaygeeda, Yasin Yusuf,waxaa ku soo xoomay qoysaska kale si ay ula wadaagaan murugada isaga oo gacan ka helay ururada samafalka iyo bulshada inteedda kale, sida ay xaaskiisu ugu gurman jirtay dadka kale. Waxa uu sheegay in ay garabkiisa taagan yihiin wehelna u noqdeen.
Sida laga soo xigtay Baaraha Caafimaadka ee Hennepin, MarxuumadaIna Adam waxa ay u dhimatay qiic ay ku neef qabatowday ka dib markii uu dabku ka kacay dabaqa 14aad aroornimadii hore ee 27kii Nofeembar.Yusuf waxa uu ku maqnaa shaqada markii uu dabku qabsaday dhismaha mana ogaan xaaladda qoyskiisa saacado ka dib. "Xaaskayga waxa ay aheyd mid qof kasta jecel oo ay ka mid yihiin dariskeeda" ayuu yiri Yusuf. "Waxa ay aheyd qof aad u qiimo badan,"
Waxa uu yiri xaaskiisu waxa ay jecleyd in ay noqoto kalkaaliso caafimaad, muddo gaaban ayey ku qaadatay in ay noqoto gacan yare kalkaaliye caafimaad. In kasta oo ay Mareykanka ku nooleyd muddo ku dhow dhowr iyo labaatan sano, waxa ay taageeri jirtay ehelkeedii ay kaga soo tagtay Soomaaliya. iminka waxa uu Yuusuf ka welwelsan yahay dadkii ay xaaskiisu caawin jirtay.
Iyada oo aheyd qof diintaa aad u taqaan, Marxuumada Ina Adam waxa ay caawin jirtay haweenka ku xiran Masjidka Dar AL-Hijra, oo iyadu ay wax ka aasaastay. Waxa ay si gaar ah xoogga u saari jirtay in ay bartaan akhriska, qoraalka iyo micnaha Quraanka Kariimka ah. Xilliyada aanay casharada bixineyn waxa ay ka qeyb qaadan jirtay dhaqaale u ururinta, dadka telefoonka wax lagu baro, iyo barashada afka Ingiriisiga ee xarumaha bulshada ee xafadaha.
Marxuumada Ina Adam waxa ay diyaar u aheyd in wax ka bedesho nolosheeda sanadaka 2020.Waxa dadka iyada aadka ugu dhowdhow ay la wadaagtay in ay dooneyso in ay soo xajiso, soo booqato Makka, bisha Agoosto.
"Aad bay ugu faraxsaneyd in ay ku noolaato Minnesota" ayuu yiri Adeer abdi Hassan. "Waxa ay aheyd qof bare u ah bulshadeeda oo aad ugu dadaasha."Waxaa ku dhacday arrin murugo leh"