Star Tribune  •  6 Diseembar 2019  •  Sawir qaade Aaron Lavinsky

ISKU XIRAN NOLOSHA IYO GEERIDA

Star Tribune  •  6 Diseembar 2019  •  Sawir qaade Aaron Lavinsky

ISKU XIRAN NOLOSHA IYO GEERIDA

Dabku waxa uu bilowday arooryadii hore, isaga oo dhulka u dhaxeeya qolalka qiic is qariyey oo dadku aysan helin meel ay ka baxsadaan halkii hoyga u aheyd. Shanta qof ee naftooda ku waayey dabkii 27ka Nofeembar ee Daaraha Dhaahdeer ee Cedar High ee Minneapolis oo lagu xasuusan doono masiibada dhacday. Noloshooda iyo geeridooda waxyaabo badan oo ay wadaagaan baa jira: halgankii ay u galeen nolosha, doonista ay u qabeen in ay adeegaan inta kale iyo ku xirnaashaha bulshada. Shanta qof rrnaftooda ku waayey qaar ka soio kabtay xanuunka dhimirka, ka soo baxsaday dagal sokeey, la dgaalamay cdaalad daro, oo ka qeyb qaatay nolol meellaga ogol yahay. Halkan ayaan idnkugu soo bandhigeynaa sheekada noloshooda.

English|Soomaali

Amatalah Adam • Qolka 1406

Qof u soo haajirtay oo hoygeedu noqday Minnesota oo "qof kasta jecelyahay" deeqsinimadeeda iyo ka qeyb galkeeda hawlaha bulshada

Amatalah Adam,78 waxa ay ku dhalatay Soomaaliya iyada oo timid Mareykanka sanadkii 2000. Marxuumada Ina Adam waxa ay hoy ka dhigatay Minnesota iyada oo qoyskeeda iyo saxiibadeed la wadaagi jiray fursadaha ay ka heshay waddankeeda labaad.
Qof aad looga jecelyahay bulshada Cedar-Riverside, Marxuumada Ina Adam waxa ay si hagar la'aan ah ugu doodi jirtay dadka aad u nugul — dakhligoodu hooseeyo da'dana ah.
Marxuumada Ina Adam Odaygeeda, Yasin Yusuf,waxaa ku soo xoomay qoysaska kale si ay ula wadaagaan murugada isaga oo gacan ka helay ururada samafalka iyo bulshada inteedda kale, sida ay xaaskiisu ugu gurman jirtay dadka kale. Waxa uu sheegay in ay garabkiisa taagan yihiin wehelna u noqdeen.
Sida laga soo xigtay Baaraha Caafimaadka ee Hennepin, MarxuumadaIna Adam waxa ay u dhimatay qiic ay ku neef qabatowday ka dib markii uu dabku ka kacay dabaqa 14aad aroornimadii hore ee 27kii Nofeembar.Yusuf waxa uu ku maqnaa shaqada markii uu dabku qabsaday dhismaha mana ogaan xaaladda qoyskiisa saacado ka dib. "Xaaskayga waxa ay aheyd mid qof kasta jecel oo ay ka mid yihiin dariskeeda" ayuu yiri Yusuf. "Waxa ay aheyd qof aad u qiimo badan,"
Waxa uu yiri xaaskiisu waxa ay jecleyd in ay noqoto kalkaaliso caafimaad, muddo gaaban ayey ku qaadatay in ay noqoto gacan yare kalkaaliye caafimaad. In kasta oo ay Mareykanka ku nooleyd muddo ku dhow dhowr iyo labaatan sano, waxa ay taageeri jirtay ehelkeedii ay kaga soo tagtay Soomaaliya. iminka waxa uu Yuusuf ka welwelsan yahay dadkii ay xaaskiisu caawin jirtay.
Iyada oo aheyd qof diintaa aad u taqaan, Marxuumada Ina Adam waxa ay caawin jirtay haweenka ku xiran Masjidka Dar AL-Hijra, oo iyadu ay wax ka aasaastay. Waxa ay si gaar ah xoogga u saari jirtay in ay bartaan akhriska, qoraalka iyo micnaha Quraanka Kariimka ah. Xilliyada aanay casharada bixineyn waxa ay ka qeyb qaadan jirtay dhaqaale u ururinta, dadka telefoonka wax lagu baro, iyo barashada afka Ingiriisiga ee xarumaha bulshada ee xafadaha.
Marxuumada Ina Adam waxa ay diyaar u aheyd in wax ka bedesho nolosheeda sanadaka 2020.Waxa dadka iyada aadka ugu dhowdhow ay la wadaagtay in ay dooneyso in ay soo xajiso, soo booqato Makka, bisha Agoosto.
"Aad bay ugu faraxsaneyd in ay ku noolaato Minnesota" ayuu yiri Adeer abdi Hassan. "Waxa ay aheyd qof bare u ah bulshadeeda oo aad ugu dadaasha."Waxaa ku dhacday arrin murugo leh"
Imam Sharif Abdirahman waxa uu Marxuumada Ina Adam ku tilmaamay qof naxariis badan oo waqtigeeda u hurtay laguna neynaasi jiray "Deeqo" taasoo lamicne ah deeqsi. Waxa ay ku raas ay ku fariistaan udi yaarin jirtay dadka da'da ah salaadda Jimcaha, waxayna uga kici jirtay kursigeeda oo dhulka fariisan jirtay haddii uu jiro qof waayeel ah oo kursi u baahan.
Marxuumada Ina Adam waxaa la aasay maalintii Thanksgivingka.

Tyler Baron • Qolka 1407

Ka soo jeeda Eden Prairie waxa uu ahaa "qof naxariis badan,dabacsan" oo qoyskiisu la murugoonayaan geeridiisa

Tyler Baron
Tyler Baron, 32, waxa uu ka soo jeeda Eden Prairie halkaas ayuuna ka dhigtay dugsiga sare. Lama garanayo goorta uu soo dagay Guryaha Cedar High, laakiin dab damiya yaashu waxa ay aaminsan yihiin in dabku ka bilowday qolka uu deganaa. Qodobo dhawr ah ayaa la xusay, laakiin sababta dabka dhalisay cidina ma garan karto.
Isaga, sida dhibanayaasha kale, waxa uu u dhintay qiic uu liqay.
Dadka uu ka dhintay waxaa ka mid ah waalidkiis Scott and Muffy iyo gabdhaha la dhashay ee Allison Bonnett iyo Ashley Fifield.
Qoyskiisa wey diideen in ay wareysi bixiyaan oo laga wareysto.
Xaflad lagu xasuusanayo noloshii Baron ayaa lagu qabtay Khamiistii Machadka Farshaxanka ee Minneapolis.
Qoraalo lagu qoray Facebook ayaa muujinaya inuu jeclaa ciyaaraha fiidiyoowga, legdinta iyo booqashada harooyinka.
Sanadihii badnaa, hay'ado kala duwan oo kuwa caafimaadka iyo wacyi gelinta "ayaa ka qeyb qaatay nolosha Tyler" sida laga soo xigtay tacsi lagu qoray barta internetka.
Hay'adahaas waxaa ka mid ahaa Minneapolis-based Tasks Unlimited, hay'ad samafal ah oo shaqo, guriyeynta iyo dib u soo ka bashada ka caawisa dadka dhimirka ka xanuunsan. Qoyskiisu waxa ay codsadeen in alaabada la siiyo hay'adaha samo falka.
Arday ku fasal ahaa dugsiga sare ee Eden Prairie ayaa wax ka qoray geeridiisa.
"RIP Tyler Baron waxa aad aheyd qof aad u wanaagsan! Waa lagu tabi doonaa," qof saaxiib la ahaa ayaa ku qoray bogga FACEbook.
Faalada ay saaxiibadiis iy qoyskiisa ka qoreen tacsida waxaa lagu xasuusan doonaa "qof naxariis badan, dadka soo dhaweeya oo qalbi furan"
"Degdeg ayuu ku baxay waana la tabi doonaa maalin kasta," ayey qortay Peggy Fifield.
Seedigiis TJ Bonnet waxa uu qoray: "Tyler wuu i ogolaa aniga. Walaalkay oo kale ayuu ahaa, seedi iyo wiil yar. … Nasiib ayey noo aheyd inuu naga tirsanaa."

Maryan Mohamud • Qolka 2407

Deeqsinimada ay u dhalatay ayaa saaxiibadeed iyo deriska soo jiitay,oo ay jecleyd in ay ka sheekeyso oo xanaaneyso"

Maryan Mohamud, 69, waxa ayu aheyd qof aad u jecel quudinta deriskeeda iyo shimbiraha ku soo urura albaabka hore ee dhismaha, ayey tiri Halima Salah Jama oo saaxiib laaheyd mudo dheerna deris laheyd .
Inkasta oo Marxuumada Ina Maxamuud ay jireen xaalado caafimaad oo la soo darsay, marna ma aheyn qof ka calaacala ayey tiri Ina Jaamac. Halkii ay calaacali laheyd, waxa ay aheyd qof deriskeeda jecel oo hadiyado la wadaagta.
"Waxa ay aheyd qof naxariis badan oo deeqsi ah," ayey tiri. "Qalbigeyga ayey ku taagan tahay. Walgey mahilmaamayo."
Marxuumad Ina Mohamud, oo aheyd hooyo dhawrcaruur ah dhashay oo ayeeyo u ah dersin ay caruurteeda sii dhaleen, waxa ay Minnesota timid oo Soomaaliya ka soo guurtay 2013kii.
Waxa ay deganeyd dabaqa 24aad ee daaraha dhaadheer ee Cedar muddo afar sano ah. Waxaa ladeganaa laba gabdhood oo ay dhashay.
Saaxiibada iyo deriska waxa ay Marxuumada Ina Maxamuud ku tilmaameen qof dad jecel oo deeqsi ah. Waxa ay jecleyd in ay waqti la qaadato deriskeeda kamana maqnaan qolka bulshadu isugu timaado.
Ina Jaamac waxaay tiri Marxuumad Ina Mohamud waxa ay deriskeeda kala hadli jirtay sida ay u jeceshahay in ay waddankii Somalia dib ugu noqoto, iyada oo weydiisan jirtay in ay u soo duceeyaan.
Subaxa dabku dhici doono, Marxuumad Ina Mohamud waxa ay isku dayday in dabka kala baxsato labadeeda gabdhood, inkasta oo socodku ku adkaa xaaladeeda cafimaad darteed. Qiicii indhaha ka galay oo ay ku neef qabatoobeen darteed, waa ay ka luntay,Marxuumad ina Mohamud waxaa laga helay dabaqa 17aad
Sida laga soo xigtay Baaraha Caafimaadka ee Hennepin, Marxuumad Ina Mohamud waxa ay u dhimatay qiic ay ku neef qabatowday ka db markii uu dabku ka kacay dabaqa 14aad aroornimadii hore ee 27kii Nofeembar.
Saacado ka dib dabkii ayaa la damiyey, gabadheeda Fardowsa ayaa ku soo noqotay gurigii hooyadeed oo ku sharaxan daahyo iyo kuraas harag ah. Jilbaha ayey u dhacday oo sariirtii hooyadeed madaxa saartay oo si aamusan u murugootay.
"Hoyaday dib iiguma soo noqoneyso," ayey tiri.
Ina Yusuf waxa ay tiri hoyadeed waxa ay jecleyd in lagu aaso Somaaliya. Meydkeeda waxaa loo qaaday Soomaaliya Khamiistii, iyada oo ay la socdaan sadex ka mid ah gabdhaheeda. Hogaamiyayaasha waxa ay garab istaageen qoyska sidii meydka Marxuumad ina Mohamud dib loogu qaadi lahaa waddankii.
Isla maalintaas, Ina Yusuf iyo odaygeeda ay soo gaareen Masjidka Dar Al-Hijrah si ay bulshada uga helaan taageero kuna xiraan qoysaska dhibanayaasha kale. Iyaga oo ku xusan xaalad murugo leh, qoysas badan ayaa tilmaamay in ay ku adag tahay in ay ka hadlaan nolosheeda ka hor inta aan la aasin.

Nadifa Mohamud • Qolka 1408

Gabadhii ay dhashay oo ka murugeysan geerida hooyadeed casharkii ay ka baratay waxa uu ahaa "wax bixintu kuma xirna inta aad heysato"

Nadifa Mohaud
Fardaus Adan oo ah gabadha ay dhashay Nadifa Mohamud ayaa tiri saacado ka hor inta aanu dabka ka kicin dismaha, waxa ay la hadashay hooyadeed "qof aad iigu dhow" — kana wada hadleen lacag ururin ay hooyadeed ka waday masjidka Cedar-Riverside, xarunta dhaqanka ee Darul Quba.
"Habeenka ay geeriyooneyso, saqdii dhexe ayaan la hadlay — ma garanayo sababta," ayey Ina Aadan xasuusatay. Waxa ay tiri "U sheeg in qof kasta ka qeyb qaato. Waa in aynu gacan ka geysanaa masjidka.' Waxa aan u balan qaaday in aan $100 ka bixiyo bil kasta, aad bayna u faraxsaneyd. Waxa ay markasta i bari jirtay in wax bixintu aysan ku xirneyn wax heysashada. Waxa aynu aheyn dad ceyr ah, aan waxba heysan, waxayna bixin jirtay wax kasta oo aan heysanay."
Maamulka ayaa siiyey sijaayadda ay hooyadeed gacanta ku heysay markii ay naftu ka baxday.
"Waxaa dhacday masiibo xun," ayey tiri Ina Adan. "Waxa aan ku faraxsanahay in aan ahay qofkii ugu dambeeyey ee la hadla" Qoyskeeda ayaa aasay maalintii xigtay, ee Thanksgiving.
Khadiijo Mohamed Samatar, oo ilmo adeer la ah marxuumadda Ina Maxamoud,ayaa masaajidka Dar Al-Quba telefoonka kor u heysay iyada oo weydiisaneysa in laga tirtiro telefoonka marxuumadda Ina Mohamoud.
Dumarka goobta joogay aad bay ugu dhawaayeen marxuumadda maalinta oo dhan iyada ayeyey ka hadlayeen.
"Lambarkeeda waan iska tir tirayaa aad ayaanan uga murugeysanahay," ayey tiri Ina Samatar. "Mar kasta oo aan magaceeda ku arko waan iska ooyaa." Casharka ugu weyn oo Ina Aadan ay hooyadeed ka baratay waa deeqsinimada.
"Wax bixintu kuma xirna inta aad heysato. Waxa aynu aheyn dad ceyr ah, waxba aan heysan," ayey tiri'. "Wax walba oo guriga aan ku heysanay way bixisay. Isla [maalinta xigta] qof ayaa noo keenay 5,000 lacagta Kenyan ah [shillings]. Way i eegtay oo igu tiri, "Fiiri? Marka aad bixiso, way ku soo galeysaa."
Ina Aadan waxa ay tiri waxa ay u guntaneysaa doorkii ay hooyadeed ku jirtay ee lacagta loo ururinayo masaajidka.
"Taas ayaa aheyd sidii ay jeclayd. Taasna weeye tan waajibka igu ah in aan la imaado."

Jerome "Jay" Stuart • Qolka 1403

Nolol lagu xardhay is bandhigid "Anigu waan sameyn karaa sidan, dunida ayaanan ka tirsanahay"

Jerome Jay Stuart
Jerome "Jay" Stuart waxa uu jeclaa duulimaadka
Markii uu wiilka yar ahaa, waxa uu ku riyoon jiray inuu noqdo duuliye, sida aabihiis oo kale, ama xidigiska.
Waxa uu ahaa ilmo aad u maskax furan, ayuu yiri walaakiis, David Stuart, oo kor u celinaya ookiyaalaha uu xirnaa,kuna qaatay naaneysta "Little Professor." Laakiin xanuunka naafada iyo cudurka asperger oo ku dhacay isaga oo dhalinyaro ah ayaa noloshiisa mid aad u adag ka dhigay.
Waxbarashadii dugsiga iyo noloshiisa bulshada ayaa ku adkaatay, inkasta oo uu ka qalin jabiyey dugsiga sare ee Walworht, magaalo ay qiyaastii ku noolyihiin dad gaaraya 2,800 oo koonfur bari Wisconsin ee xuduudaha Illinois.
Halkii uu baran lahaa duulimaadka, waxa uu bartay rinjiyeynta guryaha, dubbe ku shaqeynta iyo rakibaadda kombiyuutarada. Shaqo kasta oo uu qabto, waxa uu qaban jiray sida ugu wanaagsan.
"Waxa uu ku dadaali jiray sida ugu wanaagsan 100 kiiba boqol," ayuu yiri David Stuart. "Waxa uu jeclaa in qof kasta ogaado, 'In aan anigu wax sameyn karo dunidana qeyb ka ahay.' "
Jay Stuart, 59, waxa uu deganaa guryaha dhaadheer ee Cedar-Riverside mudo ku dhow 20 sano, markii ugu dambeyseyna uu deganaa qolka 1403. Walaalkiis ayaa kula taliyey inuu la noolaado oo u guuro Colorado, laakiin Jay wuu diiday.
"Waxa uu doortay inuu halkaas deganaado. Halkaas ayaa hoy u aheyd," ayuu yiri David Stuart daaraha dhaadheer ee xaafadda Cedar-Riverside. "Waxa uu mar kasta oran jiray, 'Qof kasta halkan aad buu ii ixtiraamaa.' Sida laga soo xigtay Baaraha Caafimaadka ee Hennepin, Jay waxa uu u dhimatay qiic uu ku neef qabatowmay ka dib markii uu dabku ka kacay dabaqa14aad aroornimadii hore ee 27kii Nofeembar.
"Sida uu u la tacaalay xanuunka soo maray noloshiisa ee naafanimada iyo Asperger waa mid geesinimo leh," ayuu yiri David Stuart. "Waxa uu ahaa qof qalbi nadiif ah leh."
Marka laga reebo walaalkiis, Jay Stuart waxa uu ifka kaga tagay ehal kale oo balaaran.
David Stuart waxa uu sheegay inuu ku talo jiro in haraaga walaalkiis ku daadiyo buuraha Colorado.