Katia Iverson iyo Abdirahman Abdullahi waxay wada qaateen 90 maalmood. Marka la eego Katia, oo ah maareeyaha kiiska, taasi waa marka ay ka hogaamiso qaxootiga dhawaan soo galay inay la qabsadaan nolosha Minnesota. Marka la eego Abdi, oo ah aabo shan carruur leh oo halkan yimi gu’gan, maalmahaasi waxay beddelaan sugitaan dheeraay oo uu kujiray xerada qaxootiga Itoobiya.

“Kawaran haddii aananu diyaar ku noqon saddex bilood?” ayuu Abdi waydiiyey Katia. “Miyaad iskaga kaaya tagi?”

Sannad aad u mashquul ah ayuu u yahay Katia iyo adeegayaasha kale oo kujiro safka hore ee Labada Magaalo ee Mataanaha, oo ah mid kamid ah meelaha dalka ugu badan dib-u-dejinta. Minnesota waxa ay diyaar u tahay in ay qaadato 2,530 qaxooti, tasi oo ka badan sannad kasta tobankii sano ee tagay.

In kasto ee doodu meel adag marayso, waay socotaa shaqada dib-u-dejintu: Qaar waxay ku doodayaan in Maraykanku aanu qaadan qaxooti ku filan marka la eego dhibaatooyinka adduunka ka jira taasi oo barakicisay dad aad u badan. Qaar kale waxay diidayaan Maraykanku inuu qaatay dad badan, oo culays ku ah gobollada xagga kharashka iyo walaac kusaabsan ammaanka.

– wakhti ay ku siiso Abdi meesha uu ka dagayo xaafadda waqooyiga Minneapolis iyo tukaanka rashiinka ee Maraykanka, u diiwaangaliso qoyska dheefaha dadwaynaha, dugsi ka diwaangaliso carruurtiisa, ku xidho la-taliye shaqo sida ay marka dambena oo ay isaga fursad u siiso inuu kaligii maareeya hawsha.

Dhawaaq siyaasadeed oo fudud masoosaarto saddexdaas bilood oo mashquulka ah. Baadhista nafsada oo qaylada dheer inta lagu jiro, Katia iyo Abdi waxay la halgamaan su’aalaha muhiimka ah ee maalinlaha ah: Ma haystaan wakhti ku filan?

Febraayo dhammaadkeeda shantii habeenimo kadib, Katia ayaa markii ugu horraysay aragtay Abdi iyo qoyskiisa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Minneapolis-St. Paul. Waxay ogaatay in qoysku ay imanayeen laba toddobaad kahor, taas oo ah digniinta caadiga ah ee ay ka hesho dawladda dhexe.

Katia waxay ka dhex gashay koox qaraabo kala fog ah iyo jaarar hore oo ka yimi xerada qaxootiga kuwaasi oo u yimi inay salaamaan iyaga. Waxay u jilbajoogsataa salaamista gabdhaha Abdi. Mohamed Daher ee wada shaqeeyaan Katia oo xidhan suudh haystana koob bun ah, ayaa u turjimaaya.

“Qof kastaa wuxuu u muuqdaa mid aad u daallan,” Katia ayaa dhahday. “Sideed dareemaysaa?”

Waxay markii u horraysay si fiican u eegtay markii qoysku fadhiisteen kuraas safan halka soodhaweeyayaashu u soo qaadayaan afartooda booso. Abdi nin dhuuban ah xitaa indhihiisa waxba umay fiirsan karayn. Fadumo oo aamusan, waxay ku haysay Ahmed oo cunug yar ah hoosta kana ilaalinaysay iftiinka nalka laambadda gegada diyaaraha iyadoo xidhan masarkeeda. Nimo oo iyadu kow iyo toban jir ah, oo lagu mannaystay qurux, waxay xidhan tahay koodhka ciidmada badda oo ay ku qoran tahay “summer” iyo “dreamland.” Mohamed oo isagu 9 jir ah wuxuu joogaa meesha isagoo leh indho daymo badan oo inyarta dabnihiisu kala tageen. Hamda, oo 7 jir ah, waa mid aad ugu eg walaasheeda ka wayn. Roida oo shan jir ah, qalqaalinimo ayaa ka muuqda indhaheega.

Garoonka diyaaradaha ee ayna cidna lahayn, waxay ku qaateen wakhtigii u dambeeya si wada-jir ah kahor nolosha Maraykan intayna u bilaabmin

8:15 subaxdii xigtay, Abdi iyo Fadumo inta ayna imaan, Katia waxay ku soo laabatay gurigii ay kiraysay dhawr malmood kahor. Waxay baabuur ku gaynaysaa suuqa hoose si ay u dalban karaan kaadhadhka Sooshiyaal Sikiyuuritiga, kuwaasi oo dhinaca kale u oggolaan doona inay dalbadaan tigidhada cuntada, caymiska caafimaadka ee la kabay iyo dugsiyada dadwaynaha.

Katia way la qabsatay xawliga shaqada. Waa mid qorata liiska waxa la qabanayo waana mid cabta bunka madow. Waxay dadka u dhagaysataa si naxariis dhab ah leh. Funaanaddeeda jilicdasan iyo masarkeedu waxay gudbinayaan dareen raaxo. Sidoo kale waxay ku baaqi kartaa adayg iyo sugnaan si ugu riixdo macaamiisheeda xagga madaxbannaanida. Taliye hore ahaan waxay dhahday, waa qofka u sheegta iyaga in shaqadooda koowaad ay noqon karto raaca saddexaad ee warshad waxsoosaar, iyadoo muddo saacad ah baska la saarnaanayo.

Katia waxay shaqada hay’adda ku bilawday si iyada oon shaqaale rasmi ah ahayn iyadoo soo baratay meejarkeeda dhaqamada oo ka baxday Augsburg College. 2013, waxa loo qaatay maareeye guryeyn, iyadoo ku qancisa mulkiilayaasha ka kiraynta dadku oo aan lahayn taariikh kiro iyo dhibicyo sare.

Hadda waa maareeye kiis, qayb kamid ah koox dhallinyar 15 ah, oo uu kujiro dad qaxooti ahaan jiray sida Daher, oo maaraynaya 430 soo galooti ee sannadkan. Mushaarku waa mid dhexe. Isgaadhsiinta dhacdooyinka “tuur waxa aad qabanayso oo samee qorshe” waa joogto. Si dhakhso ah ayey ugula carartay Qolka Gurmadka (ER) kadib markii qof qaxootiga ah uu ku kufay dhabbo lugeed lagu silbanayo. Waxay maaraysaa baaqyada kusaabsan naqas liigaysa ama tukhaan (kutaan) ama qoys siddeed qof ah oo imanaya toddobaadka soo socda. Waxay maaraysay muran oogmay markii lammaan reer Nibaal ah akhlaaq xumo ay kula kaceen mulkiile uuna la wareegay deebaaji iyo laba bilood oo qaddin ah.

Laakiin sidoo kale waxa jira wakhtiga lagu sii socdo suuqa hoose, marka fooqyada Minneapolis ay qariyaan calaamaha ifaya ee kooxda mudanaha ee North Loop ee kursiga dambe ee baabuurka Subaru ee Katia, Roida ku qayliso: “Allah! Allah!”

“Waa sababtaas waxaan ku jecelahay joogista halkan,” ayey dhahday Katia. “Runtii waa madadaalo inaananad garanayn sida maalintu noqon doonto.”

– intooda badan taliyaasha waddanku waxay ku ballanqaadayaan joojinta qaxootiga ka imanaya Suuriya iyo Ciraaq, isku-soo-baxyo dadku sitaan cod-baahiyayaal ayaa iyaguna ka soo horjeeda soo galista qaxootiga ee Minnesota. Waa degganayd jiilaalkii hore markii mulkiile waydiistay nuqul hubinta qoys reer Iiraan ah. (Taas may haysan.)

Marka iyada la eego, waxay dhahday qaybta ugu adag ee shaqadu isma beddelin: “Waa ka tagista qoysaska marka aanad dareemayn inay isku filnaasho gareen.”

Qolka sugitaanka ee wayn ee xafiiska adeegyada dadka ee Degmada Hennepin, Abdi wuxuu dhagaysanayaa lambarrada la yeedhinayo, oo mararka qaar Soomaali ah. Toddobaadkii xigay markay yimaadeen, qoysku wuxuu sugayaa inay dalbadaan lacagta iyo kaalmada cuntada si degdeg.

Daher, oo isagu halkan baabuur ku keenay saacad kahor, wuxuu ku mashquulsan yahay taleefonkiisa. Laakiin Abdi, Fadumo iyo carruurtu dhaqdhaqaaq ma leh, waxayna fadhiyaan iyagoo gacmaha kula jira jeebadaha koodhadhka jiilaalka ee ay xidhnaayeen ilaa sugitaankii. Carruurtu waxyar ayey kuurkuursadeen, sidii oo eegista shaqada xafiisyada dawladdu ay gabi ahaan xiise badan yihiin.

Nolosha xeradu waxay qasab ku bartay Abdi samir xoogan. Isaga iyo Fadumo waxay ku qaateen noloshooda intii badnayd xerada qaxootiga Qabribayax, oo ah dhul fog oo ku yaala dhulka hoose ee bariga Itoobiya oo ay biyo yaraan ba’anna ay ka jirto. Waxay ku noolaayeen guri ka samaysan sarab midabyo badan oo la is-dhaafdhaafiyey, kaasi oo ka dhigay xerada mid u yara eg bacadlayaal safan. Halkan Abdi wuxuu ugu dhigi jiray cilmiga bulshada qol ay kujiraan ka badan 50 arday.

Siddeed sano kahor, Qayta Qaxootiga Qaalibsan Qaramada Midoobay waxay u soo xushay suurogalnimada dib-u-dejin. Markaa, laba waraysi oo dhaadheer, dawladda Maraykanka saraakiisheedu ku ganeen su’aalaha ah: Waligood dib ma ugu gudbeen Soomaaliya? Cid ma ka yaqaanaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabab?

Toddoba bilood kadib, warqad ayaa timi. Waxay ku qornayd Ingiriisi, laakiin Abdi wuxuu gartay calaamad sax ah inay ka dhigan tahay in qoyska laga qaabilay Maraykanka. Sidoo kale wuxuu ogaaday inay soo dhawayd dabbaaldeggoodu.

Sannado kadib. Maalin kasta Abdi wuxuu ka hubin jiray boodhka xerada magaciisa liiska macluumaadka duullimaadka. Jaararka xerada waxa loo oggolaaday inay isku wakhti aadaan Maraykanka.

Kadib shan sano, Abdi wuxuu ka arkay liiska magaciisa.

Hadda, wuxuu miisaamayaa rajada ka qaalib noqoshada nololsha cusub 90 maalmood gudahood.

– ama 46,475 – si ay ugu noolaadaan saddexdaas bilood. Qiyaastii $2,800 ayey ku biixyeen deebaajiga guriga, farnijar, iyo adeegga guriga. Inta soo hadhay $6,475, hay’addu sidoo kale waxay ka bixin kirada Maarso waxayna u qoondayn $500 saddexda bilood ee soo socda.

Dheefaha gobolka ayaa dabooli doona inta soo hadhay.

Shanta sano ee hore Maraykanka, qaxootigu waxay aad ugu dhaw yihiin inay isku halleeyaan dheefaha dadwaynaha marka loo eego dadka Maraykanka ah ama muhaajiriinta kale. Marba marka ka dambaysa, ku tiirsanaantu waa sii yaraanaysaa: Toban sano kadib, wax ka yar rubuc qaxootiga ayaa hela tigidhada cuntada, marka loo eego boqolkiiba 11 dadka Maraykanka u dhashay. Kolkaas, ragga qaxootiga ah waxa lagu shaqaalaysiiyaa mushaar ka yara sarreeya facooda Maraykanka u dhashay. Sannadkii ka horreeyey kii Abdi yimi, Minnesota waxay ku maalgalisay $23 milyan cuntada, lacagta cad iyo kaalmada caafimaad dadka reer Minnesota ee gobolka u yimi qaxooti ahaan.

“Markaa ma waxaad leedahay saddex bilood kadib waxaanu noqon qaar isku filan?” ayuu Abdi waydiiyey.

Katia way dhoolla-caddaysay madaxeega ayeyna lushay maya.

“Waxa lagugu xidhi doonaa la-taliye shaqo,” ayey dhahday. “Waxa lagugu xidhi doonaa xiisad Ingiriisi ah. Carruurtaada dugsi ayaa la gayn.”

Maalin Isniin ah bisha Maarso, Mohamed, ina Abdi oo 9 jir ah, waxa ay walaalihii Nimo iyo Hamda u wada lugaynayeen Anne Sullivan Elementary. Saddexduba gacmaha ayey is-haysteen, sida hormo midaysan. Waxa soo ag maray arday badan oo sita boorsada dhabarka oo buuxda, iyagu neh waxba may sidan. Wuxuu xidhnaa funaanad Adidas ah oo cawlad oo koofiyad leh oo aad uga ballaadhan.

Labadii toddobaad ee tagay waxay u keeneen Mohamed iyo qoyskiisa waayo-aragnimooyin cusub. Wuxuu ku qaaday dhammaan feejignaan, hage dhaqan oo u kabaya waalidiintiisa.

Daher ayaa geeyay Abdi iyo Mohamed tukaanka Aldi si ay adeeg u gataan. Kadib meesha baarkinka, Mohamed wuxuu u dhagaysanayey Daher oo siinaya Abdi jawaabcelin sugan: Halkan waa ceeb inaad ku tuurto lacagta suunka wareega.

– dadka Katia u taqaan “maareeyayaasha kiiska jidka” macaamiisheeda – ayaa u sheegay Abdi iyo Fadumo in kirada ah $1,100 ay aad qaali u tahay, xaafaduna aad u halis badan tahay guriguna aad ayuu uga fog yahay halka Soomaalida kale ku nool yihiin. Abdi ayaa kaga yaabiyey Katia inuu codsaday qiime-dhimis, laakiin maareeyuhu ma oggolaanayn.

Carruurta iyo walidiintooda waxaa ka muuqday balanqaad la bilowga nolasha cusub ee Mareeykan, waxay xidheen dharkooda ugu quruxda badan iyagoo farxad muujiyeen marki ee Katia u imaaday si ay u geeyso booqasho dugsiga degmada.

Ka badan saddex toddobaad oo uu ku sugnaa xiisadda hanuuninta hay’adda gobolku maalgaliyo, Abdi wuxuu bartay sida loo qoro jeegagga, loo raaco baska, loola macaamilo saraakiisha bilayska, loo bilaabo habka kafaalo-qaadka qaraabada si dib-u-dejin iyaga loogu sameeyo iyo sida loo abuuro waraaqaha shaqada.

Macallin Peter Kallal ayaa tusay Abdi waxa aan la samayn marka waraysiga shaqada: Wuxuu u soo fidiyey gacan furan si uu u gacan-qaado, ka jeestay oo ku hununu’leeyey horudhac. Abdi waa dhool-caddeeyey.

Sannadba kan ka dambeeya xerada qaxootiga, qoysku waxay hayeen jid aan meel laga leexdo lahayn. Waxay cuni jireen giraamka Qaramada Midoobay. Carruurtu waxay aadi jireen dugsiga ee xerada iyo hal xarun caafimaad ah.

– iyo jugayn wayn in shaqo lagu helo afartaas bilood? Ama barnaamijka degmada, kaasi oo leh daryeelka ilmaha oo la badhitaaray?

Markasta, Mohamed wuxuu arkaa sida dib-u-dejinta qaxootigu dib u habaaysay gurigiisa cusub. Ka badan 40,000 oo qaxooti ah oo ka yimi 60 waddan ayaa soo galay Minnesota ilaa 2000; wax ka badan kumanaan ayaa halkan yimi kadib markii dib loo dejiyey meelo kale, in ka badan gobol kale.

– calaamad macaamiisha oo sii kordhaysa, laakiin sidoo kale caddayn cusub inaad ka gubdi kartid xero qaxooti oo na heli kartid shaqo maamul ah. Mohamed iyo walaalihiisa gabdhaha ah waxay iska xaadirin doonaan barnaamijka Nabad oo sannadka dhan eh, kaasi oo degmo dugsiyeedku bilawday saddex sano kahor si loo xalliyo korodhka sare ee ardayda Soomaalida.

Fasalka Mohamed maalintaas koowaad, macallinku wuxuu ku sheegay ardayda “aqoonyahano sare.” Mohamed wuxuu eegayaa sanamka geesiga sare ee miiskiisa saran: “Wonder Woman” oo dharkeeda xidhan. Madaxiisu wuu dhaqdhaqaaqaa markasta oo uu maqlo Af-Soomaali, isagoo jecel inuu wax tilmaamo.

Fasalku wuxuu marayaa bogga 200 ee buuga “Gudaha Maraykanka”. Su’aal kasta gacantooda kor ayee u qaadaan. Mohamed wuxuu soo gundhinayaa gacanta shaadhka wiilka isaga ku xiga, kaasi oo loo malaynayo inuu u tarjumayo. Muddo kadib, wuxuu jiiday funaanadda koofiyadiisa wuxuuna laabay gacmaha, isagoo ceshanaya funaanaddiisa ka wayn.

Bil kadib soo galitaankii qoyska, Abdi wuxuu daawanayey Katia oo ka soo fagaysa waraaqo muhiim ah sanduuqa waraaqaha boostada ee qolkooda fadhiga. Degmadu waxay cayintay dheefahooga Abriil: $850 lacag cad, $110 deeqada guryeynta, $894 cuntada. Waxa jirta waraaq kusaabsan ballantooda koowaad ee ay la leeyihiin la-taliyaha shaqada ee degmada. Degmo dugsiyeedka ayaa waraad ay u soo dirtay ku sheegtay inay u qalmaan qado bilaa lacag ah.

Iyadoo uga fadhida si lugaha is-dhaafsatay rooga ubaxa lagu qurxiyey iyadoo gacmahuna u saaran yihiin jilbaha, Katia waxay u muuqatay mid deggan. Kursi dhabar taagan oo ka soo horjeeda, ayuu Abdi ku fadhiyaa isagoo dareenkiisu kacsan yahay. Wuxuu dareemay isbeddel toddobaadkii hore: Ballamihii hore waa midho dhaleen.

Katia waxay u baahan inay u tilmaanto Daher inuu inta badan hubiyo uuna muddeeyo hawlaha, Abdi ayaa u sheegay. Toddobaadyadii ilaa markii qoyska Abdi yimi, qaxooti badan ayaa yimi, Katia ayaa dhahday; iyada iyo Daher waxay ku mashquulsan yihiin inay ka caawiyaan inay nolosha cusub bilaabaan.

“Markii u horraysay ee halkan joogtay, in badan ayaanu ku arki jirnay,” ayey dhahday. “Laakiin marar badan xilligan waa inaanu dhahno, ‘waan ka xumahay. Waxba kuuma qaban karo.’”.

Abdi iyo Fadumo waxay yimaadeen dhammaadka xilli deggan jiilaalka sannadkii dib-u-dejinta. Ilaa xilligaas Katia shaqada ayaa ku sii badanaysay. Muddo ka badan 10 maalmood, 27 qaxooti ah oo ka socda siddeed qoys ayaa imanayey. Khamiistu waa “maalinta abaarmenka xun.’

Laakiin Abdi iyo Fadumo waxay sidoo kale gaadheen xilli Katia ay bilawday inay dib isku taagto.

“Dadka adduunka ayaad ku daraysaa,” ayey dhahday.

– iyo sidoo kale wuxuu ka soo horjeestay dadka ag maraya oo jidhkooda badankiisu qaawan yahay. Fadumo waxay tabtay sida iyada iyo hooyooyinka kale ee xeradu ay ku qaadan jireen maalmaha cunto karinta, sheekada iyo qosolka.

Dawladda Maraykanku waxay qaxootiga siisaa lacag amah ah safarkooda Maraykanka, Abdi na wuu isku diyaariyaa qaanta. Laakiin ta ugu daran, wuxuu ka walaacsan yahay bartilmaameedka saddexda bilood. Markii xerada, Abdi wuxuu maqli jiray in haddii uu kirada la habsaamo, mulkiiluhu alaabtiisa jidka ugu daadin, eyga habowsanina ay qaniini doonaan. Wuxuu sawirtaa Soomaalida oo sawirkii Facebook ku wadaagaya isagoo jooga jidka dhiniciisa.

“Haddii la naga tago oo aanannu shaqaynayn, xiitaa ma bixin karno kirada,” ayuu ku yidhi Fadumo. “Waxaan ku dhumin sumcaddayda Maraykan.”

Maarso 30, Abdi wuxuu lugeeyey bilaa ogaysiis Golaha Kiniisadaha Minnesota. Liiska waxqabadka Katia wuxuu u muuqday inuu saacadda la kordhayo Jimcahaas. Laakiin waxay ka soo baxday qolkeeda yar si ay u hadasho, iyadoo og inuu u raacay laba bas xafiiska hay’adda ee Franklin Avenue.

Abdi wuxuu u sheegay lacagta yar kaalmada cuntada qoyska ee Maarso inayna raagayn. Hadda, bariis iyo baasto way haystaan, laakiin ma heystaan hilib iyo khudaar.

Katia waxay waydiisay Abdi haddii qoysku soo gatay wax aan ahayn cunto. Waxay og tahay in lacagaha doolarka ay u muuqan karaan inay daandaamiyaan soo galootiga cusub, kahor intaan si dhakhso ah loo waayin. Carruurtu waxay yimaadeen guriga dhawr maalmood gudahood iyagoo dhar cusub doonaya, ayuu Abdi dhahay. Sidoo kale wuxuu ka soo qaatay roog moolka Soomaalidu leedahay, kaasi oo soo jiita isaga toddobaad kasta iyadoo uu jiro ballanqaadka bulshadu.

Hay’addu way dhimi doontaa in badan kirada Abriil, ayey Katia u sheegtay Abdi. Waxay uga keentay xidhmo xafaayado ah qolka deeqaha. Wixii talo ah waad iila iman kartaa, ayey ku tiri, laakiin wa inuu ku tiigsadao wax badan kana barto maareeyayaashaas kiiska jidka.

Sooc Deis, oo eh qaraabada Abdi, waa “xadhiga Maraykanka” ee qoyska, loo doortay inay caawiyaan. Markii ay kula kulantay Abdi iyo Faduomo garoonka diyaaradaha, waxay u sheegtay: “Ku soodhawaada Maraykanka! Waa meel fiican. Carruurtu waxbarasho fiican ayey helayaan. Idinku shaqo fiican ayaad heli doontaan. Nolol fiican ayaad haysan doontaan.”

Sayga Deis ayaa baabuur ku geeyey tukaanka rashiinka iyo baadhista caafimaadka. Laakiin iyadu baabuurka ma kaxayso, waxay leeyihiin lix carruur ah, gurigooda nah aad ayuu uga fog yahay Abdi.

Markaa Abdi wuxuu wacay Daher taa beddelkeeda. Wuxuu u wacay inuu waydiiyo ku warwareegista baska. Wuxuu doonayey inuu u sheego inuu rabo inuu bilaabo raadinta guri cusub, Daher na wuxuu u sharxay inay tahay inay heshiiska ku dhegganaadaan ilaa Sibtambar.

Marka la eego qodo, Daher wuxuu u sheegay Abdi, “Wali waxa jira dad jooga xerada qaxootiga oo sugaya duulimaadkooda. Adigan halkan ayaad joogtaa.”

Abdi ma rabin inuu intaas ka badan sugo, maya halkan Maraykanka, meesha qof kastaa u muuqdo in degdeg lagu falay. Abriil gudaheeda, wuxuu u yimi Katia laba jeer oo kale.

Waay ku adagtahay qoyskaan la khabsiga waddanka, Katia na waa og tahay. Qof kastaaba halgan kuma jiro. Dhawaan waxay soodhawaysay lammaane kale oo Soomaali ah iyo afartooda carruur ah. Aabahaas wuxuu bartay Ingiriisiga markuu joogay magaalo ku taal Koonfur Afrika, guri neh kiraystay oo noqday diraawal. Safarkii adeegga ee u horreeyeyba, wuxuu ogaaday nooca caanaha dhallaanka ee uu rabo. Markii dambe, wuxuu waydiistay haddii uu biilkiisa korontada ka bixin karo onlaynka.

Ugu dhawaan 90 maalmood kadib markii Abdi iyo Fadumo yimaadeen, Katia iyo Daher waxay ku soo laabteen qolkooda hurdada si ay u hubiyaan markii u dambaysay. Markan, Fadumo ayaa u hadashay si dhakhso iyo kalsooni leh.

“Korantada, biyaha iwm waa nagu qaali,” ayey dhahday.

Hadda jiilalkii waa dhammaad, biilashu waa yaraan doonaa, ayey Katia dhahday.

Miyey hay’addu naga caawin kartaa helista guryeyn la badhitaaray? Hay’addu waxaas shuqul kuma leh, ayey Katia si deggan u dhahday.

Abdi dhulka ayuu fadhiyey, isagoo si fekeraaya una garaacaya dhabankiisa. Ugu dambayntii, wuxuu ku qayliyey: Miyey Katia naga caawin kartaa ogaysiiska qoran ee ay kaga bixi doonaan guriga dhammaadka heshiiska kirada?

“Ma jiraa qof kaas kaa caawin karaa?” ayey waydiisay Katia. “Saaxiib miyaa?”

Daher iyo Abdi ayaa Af-Soomaali ku wada hadlay muddo. Kadibna, Daher ayaa ugu turjimay, “Ma garanayno sida loo qoro ogaysiis.”

“Waanu ognahay inaad leedahay caawiyayaal,” ayey Katia ku adkaysatay. “Kuwasi waa dad bulshada kujira oo caawimo bixiya. Taasi suurogal ma u muuqataa?”

“Taasi waa suurogal,” ayuu ku aqbalay Abdi.

Abdi wuxuu miisaamayey ka codsashada Katia ku kordhin dhawr bilood oo dheeraad ah taageerada. Sidaas muu go’aansan. Laakiin markii uu saxeexayey waraaqaha kiiskiisa lagu soo xidhayey, wuxuu dhahay, isagoo yara kaftamaya, “Maya, wali waad nala joogaysaa. Wali waan kuu imaan doonaa.”

Bishii Ogoosto, Abdi wuu miisaamayey xaaladda qoyska. Wixii uu ka cabsanayey ma rumoobin. Kadib markii shaqo lagu soo bandhigay xidhiidhka bulshada, Fadumo waxay ka bilawday shaqo wakhti-badhkii ah daryeel maalin oo Soomaali leedahay, kaasi oo ay ag-waddo xiisad Ingiriisi ah. Dayn yar oo ay ka heleen qaraabo, waxay iskaga bixiyeen kirada Luulyo iyo Ogoosto.

Mohamed iyo walaalihii guriga ayey yimaadeen iyagoo ka yimi daryeelka maalintii iyagoo imtixaanayo abdi erayo Ingiriisi ah oo cusub o ay soo barteen. Marka dayrtu timaaddo, waxay ku laaban doonaan barnaamijka Nabad.

Abdi wuxuu qaataa xiisado Ingiriisi iyo kombiyuutar ah. Wuu og yahay inuu u baahan yahay inuu shaqo helo. Laakiin inkastuu la kulmo la taliyaha shaqada, kuma kalsoona sida shaqo loo raadiyo. Maskaxdiisa waxa ka guuxaya dhacdooyin taxan oo Katia uu waydiin lahaa: helista kalmada casharka baabuurka, baabuur helis, ugu tagista baabuurka qaraabo si ay u tusaan sida looga raadiyo kombiyuutarka shaqooyinka.

Bishii Ogoosto, Katia waxay joojisay shaqadeedii: Waxay og tahay inayna Abdi war dambe ka maqal ilaa iyo intii ay kiiskiisa xidhay. Hay’addu waxay soodhawaysay 70 qaxooti ah bishan. Marka Katia la eego, jiilaalka shaqadu fududahay wuxuu ugu muuqdaa inay bilo badan ka xigaan.