– Mohamoud Abdullahi wuxuu sameeyey wax kasta oo uu karo si uu uga ilaaliyo gabadhiisa ku biirista dagaalka Suuriya.

Wuxuu marar badan uga sheekeeyey dagaalada sokeeye ee waddankiisii Soomaaliya iyo saameynta ee ku yeelatay badbaadayaasha isagoo kale ah.

“Ilaa aad tabobar qabto, ma aadi kartid goob dagaal,” ayuu ugu digay.

Laakiin maalmihii ugu dambeeyey 2013, ardayaddan kuuliyadda dhigata ee 22-jirka ah ayaa soo hadashay si ay u sheegto inay jidka ku sii jirto si ay ula midowdo odaygeeda kaasi oo dhawaan u socdaalay Bariga Dhexe. Waxay ahayd mid kamid ah 30 dhallinyar ah oo ka tagay magaalada labaad ee Deenmaark ugu wayn kuwaasi oo u baxay Suuriya sannadkaas.

– mas’ulka jooga Minneapolis-na si dhaw ay ula socdaan.

Deenmaark waxay la talisaa dadka xagjiroobaya, shaqo u raadisaa dagaalyahanada ajanabiga ah ee soo laabanayo, tabobartaa xubnaha qoyska oo gaadhaa masaajidka Aarhus ee xagjirka oo halkaasi Abdullahi gabadhiisa mar ay cibaado u tag tay. Maamulka halkaan waxay leeyihiin habkan dabacsan wuu shaqeeyey: socdaalista dhallinyarta ilaa heer ayuu yaraaday.

Reneé Jones Schneider
VideoVideo (06:32): Ka mid noqoshada iyo xoriyadda diinta ayeey u kaashataa Denmaark qaabkeeda gaarka ah ee ka xoraynta xagjirnimada.
Video (06:32): Ka mid noqoshada iyo xoriyadda diinta ayeey u kaashataa Denmaark qaabkeeda gaarka ah ee ka xoraynta xagjirnimada.

“Muunadda Aarhus ma aha kaadh bilaash ah oo jeel-ka-bixis ah, laakiin waa isku-dar wada-hadal iyo dhisbiliin adag,” ayuu yidhi Jacob Bundsgaard, duqa magaalada Aarhus.

Xeeryaqaanka Maraykanka ee Minnesota Andy Luger wuxuu yimid halkan kahor intaan la bilaabin mashruuc tijaabo ah ee Magaalooyinka Mataanaha oo lagu waajahayo xagjirnimida. Dhinaca kale, taageerayaasha sagaalka nin oo reer Minneapolis ah oo lagu helay dambiga inay joogeen meel ay kaga biirayaan dagaalyahanada Siiriya ayaa horkacaya qaabka Deenmaark ee ciqaabta yar.

Laakiin dhaliilaha barnaamijka ayaa sii badanaya. Waxay tixraacaan jiritaan la’aanta caddayn dhab ah in dadaalku ka shaqaynayo oo loolan galinayo shaqada caawinta kuwa ka soo laabanaya goobaha dagaalka Bariga Dhexe.

“Ma aha inaad abaalmariso dadka ka qayb noqday urur argagixiso ah,” ayuu yidhi Naser Khader, xubin ka mid ah Baarlamaanka oo ka yimi Aarhus. “Waa inaad dacwad ku soo oogtaa.”

Xiitaa waalidiinta qaar soo dhaweeya fursadaha labaad ee dhallinyarta, sida Abdullahi, wuxuu dareemayaa waddanku inuu wax badan ka samayn karo inuu burburiyo kuwa Deenmaark jooga ee ku boorinaya dhallinyarta inay dibadda ka soo dagaalamaan.

– mise waxa la isku-dayi in lagu qanciyo inay ka go’aan?

Diidmo Yar

Gabadha yar ee Abdullahi waxay ahayd tusaale bulshada Soomaalida ee Aarhus: joogitaan soodhawayn leh taasi oo isku haysay kuuliyadda iyo shaqo ay ka haysay rug caafimaad. Wuxuu ka qoomameeyey inayna ahayn inuu ku khasbo inay si joogto ah u tukato una soonto Ramadaanta.

Markaa Abdullahi, oo ah farsamayaqaan shaybaadhka kimistariga, wuxuu ku faraxsanaa inuu arko iyada oo noqonaysa mid cibaado badan kadib markii ay guursatay nin Ustareeliyaan ah oo asalkiisu Soomaali yahay oo ay onlayn kula kulantay. Marki ee ka hadashay jeclaansho in ee caawiso carruurta dagaalku ku qabsaday dagaalka Suuriya, Abdullahi wuxuu ku booriyey inay fiiriso inay mutadawacnimo ugu shaqayso Hay’adda Bisha Cas ee Daanishka. Markii ninkeedu tagay si uu ugu biiri kooxda Al Qaida xidhiidhka la leh ee Jabhadda Nusra, waxay u muuqatay mid ku raacsan aabaheed in raacistiisu ay noqon doonto khalad wayn.

“Marnaba kamaan filayn inay diiddo dhammaan dadaaladaydii inaan qanciyo ahaa,” ayuu yidhi Abdullahi.

– waxay wiiqday koox Nazi-ga cusub ah oo firfircoon iyagoo kaqaybgalinaya ragga da’da yar kuna daraya liiska qoysaskooda gacan-saaryada muhiimka ah. Kadib waxay yimaadeen qaraxyadii London ee 2005 iyo kartuunadii jaraa’idka Daanishka ee sawiray nabi Mohammed, kaasi oo ka dhigay waddanka inuu bartilmaameed u noqdo kooxaha mujaahidiinta ah.

Sannaddadii u dambeeyey, shiishka Aarhus iyo Deenmaark oo dhan wuxuu u jeeday qulqulka dhallinyarta ee xagga Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam. Galbeedka Yurub, Deenmaark kaalinta labaad ayey kujirtaa oo Biljam oo kaliya ayaa ka horraysa socdaallada marka qof-qof loo eego. Kabadan 125 qof ayaa u socdaalay Suuriya, kabadan 60 kamid ahna waa soo laabteen, sida ay sheegayso xogta bilaysku.

Weerarkii 2015 ee uu qaaday ninka hubaysan ee ISIL-taageersan kaasi oo ku dilay laba qof Copenhagen ayaa shaqada dhakhso cusub galiyey. Ma beddelin weerarkani qaabka deggan ee Deenmaark.

Muhiimaddu waa farogalin xilli hore ee dhallinyarta muujiya inay danaynayaan afkaarta xagjirka. Saraakiisha Daanishku waxay isku-hallaynayaan iskaashi muddo jiray oo ka dhexeeya dugsiyada, adeegyaasha bulshada ee dawladda hoose iyo gacan kahortag ee waaxaha bilayska deegaanka.

Barayaasha iyo adeegayaasha bulshada waxa lagu tabobaray inay aqoonsadaan calaamadaha qofka yar inuu u jeedo borobagaandhaha xagjirnimada. Isbeddello waawayn xagga labbiska, ku xidhnaansho koox gaar ah iyo habdhaqanka. Waxay wici karaan khadka degdegga ah ee 24-ka saac si ay u tabiyaan waxa ay ka yaabaan. Caawimada bilaysku waxay ogaan kartaa digniinaha beenta ah: Copenhagen gudaheega, kaliya qiyaastii 40 kamid ah 160 warbixinood 2014 iyo 2015 ayaa loo soo wacay la socod dartii.

Bilaysku sidoo kale wuxuu qaataa doorka qaabista dhallinyarta iyo qoysaskooda.

Qaar kamid ah adeegayaasha dhallinyarta ee safka hore ayaa muujiyey walaac ay ka qabaan in la socoshadu ay dhici karto inay dhaawacdo xidhiidhka ay la leeyihiin da’yarta. Qaar kale waxay ka warwarsan yihiin diiradda saaran barnaamijyada la-dagaalanka xagjirnimadu inay hurinaan nacay loo qabo muhaajiriinta Muslimiinta ah.

Laakiin guud ahaan, barnaamijyadan waxay soo jiiteen ka soo horjeed bulsho oo yar waxayna dhiirigaliyeen inyar doodad ka taagan Maraykanka ee kusaabsan in la saaro dhallinyarta raadaarka sharci fulinta kahor intayna dambi galin.

Aarhus gudaheega, taliyaha bilayska Allan Aarslev wuxuu sheegay inay fiican tahay in la sameeyo koox bilays ah oo ka shaqeeya kahortagga, oo ka gaar ah baadhayaasha waaxda.

“Kani ma aha barnaamij ilaalayn,” ayuu yidhi. “Haddii aynu walaac ka muujino cid, waxay ogaanayaan isla markaaba.”

Gacan dabacsan

2014 qoys ayaa soo wacay khadka degdegga ah ee Aarhus kadib markii wiilkooda kacaanka ah ku dhaartay inuu u socdo Suuriya. Magaaladu waxay u diyaarisay tabobare. Maqaayadda laybareeriga kambas ku yaal Aarhus oo deggan, labadu waxay ka doodeen macnaha jihaad.

Ku biirista dagaalka Suuriya waa “habka kaliya ee lagu noqonayo Muslim dhab ah,” ardaygii dugsiga sare ayaa ugu horrayntiiba u sheegay tabobaraha, kaasi oo codsaday inaan la sheegin.

Ninka, oo ahaa mid shahaadada labaad ka sita daraasaadka diinta, ayaa yara gujiyey ardayga si uu uga fekero wax kale: aadista kuuliyad, guursasho, u noqoshada tusaale da’yarta kale ee Muslimiinta ah. Waxay ka shaqeeyeen shaqogurida iyo waraaqaha dugsiga. Tabobaruhu xiitaa wuxuu isku-dayey inuu dhexdhexaadiyo khilaaf u dhexeeyey dhalaanka iyo waalidiintiisa.

Ninkii yaraa, oo qalinjabinaya sannadkan, wuxuu go’aansaday inaanu aadin Suuriya.

Inaan dhammaan farogalinihiisu ayna guulaysan, ayuu tabobaruhu qiray. Kadib bil kulan iska-horimaad, nin yar ayaa u sheegay inaanu markale uu soo wicin. Mid dhawaan ka soo noqday Suuriya ayaa ka gambado qeylada laakiin wuu diiday inuu ka hadlo waayo-aragnimadiisa. Kadib helista caawimo inuu gudbo imtixaanada u dambeeya dugsiga sare, wuxuu joojiyey barnaamijka.

Copenhagen gudaheega, Muhammad Hee, maareeyaha mashruuca ee barnaamijka tabobarista magaaladaas, ayaa codsaday inuu kula kulmo dhallinyar aan saamayntu gaadhin si ay bun ugu wada cabbaan guriga qoyska. Wuxuu ugu horrayntii sheegay inuu walaac ka qabo qofka yar inuu la qabsado koox facood kuwaasi oo leh kooxo taageera oo ku xidhan Suuriya.

“Iskuma dayeynu inaanu farogalino xaqaaga inaad diinta ku xidhnaato,” ayuu yidhi. “Laakiin dhallinyarta kale kahor ayaa safrayn, iyo waalidiintoodu ma helin fursad ay ku aasaan.”

Qiyaastii saddex meelood oo meel dhallinyartu waxay aqbaleen taageerada loo soo bandhigay; siddeed kamid ah tobankii qoys waxay oggolaadeen inay la kulmaan tabobare, ayuu yidhi Hee.

Barnaamijyadu waa iskaa- in kastoo saraakiisha Copenhagen ay dhawaan qaateen go’aan khilaaf dhaliyey oo lagaga joojinayo dheefaha daryeelka ee deeqsinimada ah waalidiinta diida inay iskaashi ka muujiyaan farogalinta ilmahooga. Haddii qaangaarku diido inuu kaqaybqaato, barnaamijyadu waxay u gudbin macluumaadka xukumayaasha si ay iyaga ula socdaan.

– xiitaa marka waddamo kale oo Yurub ah ee lagu xabsi geliyay.

Saraakiishu waxay sheegeen sharcigu Daanishku inuu dhigayo shuruudo adag xukumayaashu inay caddeeyaan socdaalayaashu inay u soo dagaalameen koox argagixiso ah.

“Waxaan aad ugu caddaynayn in haddii aanu ogaano inay dambi ka soo galeen Suuriya, aanu dacwad ku soo oogi doono,” ayuu yidhi duqa magaalada Bundsgaard. “Laakiin sidoo kale waxaanu u sheegnaa inaanu rabno inay ka qayb noqdaan bulshada markale.”

Guud ahaan, saraakiisha Aarhus waxay ku heleen 375 gudbinood khadka degdegga ah ilaa 2010. Saddex iyo labaatan qof ayaa ku biiray barnaamijka tabobaranimada. Dhawr yar ayaa ka tagay.

Xukumayaashu halkan waxay tilmaameen xaaladda dhalinyarka oo Soomaali-Dheen ah oo lagu magacaabo Mohammed inay caddaynayso in dabcinta qaabkoodu ay natiijo fiican yeelan karto.

Mohammed, oo codsaday in magaciisa koowaad oo kaliya la sheego, wuxuu ka cadhooday fasal diin ah dugsiga sare 2011. Wuxuu ku qaylyey ardayda fasalkiisa oo hadallo sharaf rid ah ka dhaheen Islaamka.

Wuxuu ka naxay in looga yeedho saldhigga bilayska dabayaaqadii toddobaadkaas. Bilaysku kadib waxay baadheen gurigiisa iyo kombiyuutarkiisa. Intaanu in badanba sii socon, baadhitaanka waa la joojiyey, laakiin inta kadib Mohammed, oo xanaaqay bahdilna dareemay, wuxuu ka booday imtixaanada dhammaadka sannadka ee uu u baahnaa inuu ku qalinjabiyo.

Xagaagaas, saaxiib ayaa Mohammed ku martiqaaday kulan ka dhacayey abaarmen ku yaala Gellerupparken, oo ah xaafad muhaajiriin u badan oo ku taala daafaha Aarhus iyo tiirka koodhka ugu dhaqaalo hooseeyo Deenmaark. Halkaas, ragga yaryar waxa baahiyeen ciil-qab kusaabsan bulshada Daanishka waxayna ka daawadeen YouTube khudbadaha diiniga ah ee Anwar al-Awlaki, wadaadka Maraykanka ku dhashay ee Al-Qaida oo lagu dilay duqayn cirka ah sannadkaas.

“Waxaan dareemay inaan gurigeyga joogo,” ayuu u sheegay Star Tribune. “Wiilashan si dhab ah ayey ii rumaysteen.”

Kadib markii uu ku soo laabtay dugsiga si uu ugu ceshado sannadkiisii u dambeeyey, Mohammed waxa la soo xidhiidhay bilayska mar kale. Sarkaal kale ayaa soo wacay si uu u raalligaliyo kuna martiqaaday inay saldhigga bun ku wada cabbaan. Intii kulanku socday, sarkaalku wuxuu soojeediyey inuu Mohammed ku lammaaneeyo tabobare, oo ah qareen Muslim ah oo da’yar. Mohammed waa oggolaaday kaliya si uu uga hor yimaaddo “basaaska.”

Laakiin Mohammed waxa doodad kusaabsan Islaamka kaga adkaaday tabobarihiisa cusub, isagoo kula laabanaya kulamadooda doodo cusub oo ay u soo dhiibeen saaxiibadii. Markasta, Mohammed wuxuu ka baadhayey ninka kamarad qarsoon ama makrafoon. Si qunyar ah, dulqaadka tabobaraha, sababaynta aragtida adduunka iyo rabitaanka inuu ka caawiyo shaqada dugsiga oo Mohammed uga guulaystay.

“Waxaan u sheegay dhallinyartan jaahwareersan inaan aaminsanahay in adduunku aanu ahayn madow iyo caddaan,” Mohammed ayaa yidhi. “Wuxuu leeyahay midabyo.”

Mohammed, oo ka dhammaystay kuuliyadda barnaamij laba sano ah oo kusaabsan maamulayaasha maaliyadda, dhawaan wuxuu ka noqday tabobare barnaamijka. Dhan kale, laba kamid ah saaxiibadiisii hore waxay ku dhinteen Suuriya, ayuu yidhi: “Kuwaasi aniga ayey noqon kari lahaayeen.”

Gaadhista xagjirka

Maadaama gabadhiisii ay joogto Aleppo, Suuriya, Abdullahi wuxuu isku-diyaaryey ta ugu xun. Toddobaadyo kadib markii ay tagtay, waxaa timi. Waxa ka soo gaadhay war xubin qoys in lammaanihii da’da yaraa ay ku dhinteen rasaas ay isku rideen ururrada Suuriya isku haya.

Ma awoodo inuu helo xaqiijin rasmi ah, Abdullahi wuxuu ku dhagay rajo daciif ah: Laga yaabee gabadhiisii in loo qaab dooriyey weerarka oo ayna doonayn qoyskeedu inay ku arkaan sidaas.

“Marka la eego aniga iyo hooyadeed, wali way nooshahay,” yidhi.

Abdullahi wuxuu ku biiray koox taageero oo ka jirta Aarhus. Halkaas, waalidiinta ka cabsanayey wiilashooda iyo gabdhahoodu inay dhici karto inay baxaan ayaa helay tabobar sida dib loogu dhiso xidhiidhada. Waxay ku cadaadiyeen xukumayaasha jawaabo dheeraad ah. Intaas kadib Abdullahi wuxuu ogaaday gabadhiisu inay tagaysay masaajid la dhaho Grimhojvej, oo aha warshad hore jeelaatada oo ku yaal cidhifka magaalada.

Xukumayaasha Aarhus waxay rumaysan yihiin ugu yaraan 22 kamid ah 30 qof ee magaaladu kuwaasi oo u socdaalay Suuriya 2013 inay tageen masaajidka ama koox dhallinyar ah oo xidhiidh la leh isaga. Hoggaamiyayaasha masaajidku waxay taageero u muujiyeen hadafka ISIL ee ka abuurista dawlad Islaam ah Bariga Dhexe.

Horraantii 2014, maareeye bilayska Aarslev ayaa bilaabay inuu si bille ah ula kulmo guddoonka guddida masaajidka Oussama el-Saadi. El-Saadi wuxuu beeniyey masaajidku inuu ku booriyo dhallinyartu inay socdaalaan. Wali, wuxuu oggolaaday inuu martigaliyo wada-sheekaysiga u dhexeeya xubnaha dhallinyarta iyo xukumayaasha.

Mararka qaar, barxadda salaadda ee siliiggu soo dhaw yahay meel u dheaxaysa miisaska fuusboolka iyo Bing-bong, hoggaamiyayaasha masaajidku waxay si fiican uga jawaabeen su’aalo kusaabsan aadista Suuriya. Waraysi uu Star Tribune la yeeshay, el-Saadi wuu ka yara gaabiyey diidmada ISIL.

Laakiin, wuxuu yidhi, “Waxaanu leenahay waa meel aad u khatar badan, waana adag tahay in loo socdaalo.”

Magaalada ku dhaw ee Aalborg, Nuuradiin Hussein wuxuu isku duwaa barnaamijka farogalinta. Wuxuu si dhaw ula shaqaynayey hoggaamiyayaasha masaajidka Soomaalida ee deegaanka markii uu ogaaday in xubnaha kooxda dhallinyarta Grimvojvej ay halkaas imanayeen si ay halkaas uga hadlaan. Codsigiiga, ayuu imaamku ku baajiyey martiqaadka.

Deenmaark gudaheeda, kahortaggu waa qayb kamid ah isku-day baaxad wayn oo si dhaanta la isku dhexgaliyo bulshooyinka muhaajiriinta ah.

Copenhagen waxay shiishka saartay la-dagaalanka takoorka, oo ay kujiraan kuwa ka dhaca cawaysyada iyo goobta shaqada.

Aarhus waxay ku bixinaysaa $180 milyan hagaajinta Gellerupparken, halkaasi oo Mohammed u tagay inuu daawado khudbadaha Awlaki. Waddooyin cusub, dhismayaal isboorti oo casri ah iyo xafiisyo loogu talogalay adeegayaasha dawladda hoose ayaa loogu talogalay in laga dhigo abaarmenada dhismayaasha saxanka satalaydyadu ka buuxaan mid ka duwan “jasiirad ku taala magaalo.”

Osman Farah, oo ah hoggaamiye ururka bulshada Soomaalida Aarhus, ayaa sheegay dhawr rag yaryar ah ayaa ku cawday in bilaawga bilayska oo ku batay dartii ay ka dhigtay inay dareemaan in dacwad lagu soo oogayo. Laakiin guud ahaan, wuxuu yidhi, dadaalada magaaladu si fiican ayey u meelmareen.

“Dadku waa ku qanacsan yihiin qaabkan dabacda san,” ayuu yidhi. “Waxaynu ka hadlaynaa dhallinyar gashay khalad, fursad labaad ayaana fiican.”

Shaki badan

Qaabka Deenmaark wuxuu leeyahay dad ka shakisan gudaha iyo dibadda. Jytte Klausen, oo ah reer Aarhus iyo bare-sare Jaamicadda Brandeis kaasi oo darsa kooxaha xagjirka ah, waxay tilmaamtay inay jirto xog yar oo lagu taageero sheekooyinka guusha ah. Shaki ayey ka qabtaa in tabobarista iyo taageerada tacliineed ay caawin karto inay xagjirnimada ka hor istaagaan dhallinyarta aan qaadan go’aan miyir qab leh si ay caawimo u raadiyaan. Waxayna tidhi haddii sharciga Daanishku uu adkaynayo dacwad ku soo oogista dagaalyahanada soo laabanaya, sharciga waa in la beddelaa.

“Waa caddaan kibir iyo munaafaqnimo inaad ula dhaqanto muwaadiniitaada si dabacsan haddii ay ka qaybqaataan dambiyo ka dhan ah muwaadiniinta Suuriya iyo Ciraaq,” ayey tidhi Klausen. “Deenmaark dambi kujirtaa dhayalsiga nolosha Muslimiinta.”

Saraakiisha Aarhus, kuwaasi oon gudbin qiimayn rasmi ah ee barnaamijkeeda ilaa 2011, waxay sheegeen caddayntu inay kujirto lambarrada socdaalka.

Kadib markii ay halka u sarraysay joogtay ee 30 ee 2013, tirada socdaalayaasha Suuriya ee la ogyahay waxay ku soo dhaceen hal 2014, saddex 2015 iyo waxba ilaa hadda sannadkan.

Waxay sheegeen in farogalin meelmar ah ay adag tahay in la qeexo. Guushu waxay ka dhignaan kartaa si sahlan “ka xadista wakhti” kooxaha faca xagjirka ah kuwaasi oo iman kara si ay u muquuniyaan nolosha dhallinyarta: dhigashada dugsiga ama shaqaysiga, la qaadashada wakhti badan qoyska, xiitaa guursashada. Marka la eego qeexistan, saraakiishu waxay ka wareegaystaan sheegista cadadka farogalinaha meelmaray. 2014, Aarhus xukumayaasheedu waxay u malaynayeen inay ka guulaysteen nin yar. Sannad kadib, wuxuu joogay Suuriya.

Dadka dhaliila sida Khader, xubinta Baarlamaanka ah, wuxuu sheegayaa in arrimo kale ay qaabeeyeen tirooyinka socdaalka: ISIL waxay la kulantay dib-dhacyo goobaha dagaalka; waalidiintu waxa dhici karta inay aad u foojigan yihiin. Wuxuu ku doodaa inuu yaqaano dhawr dhallinyar ah oo socdaalay 2014. Dhinaca kale, cid ah dagaalyahan ajanabi ah oo la dhaqan celiyey ma bixin macluumaad si looga niyadjabiyo faca socdaalka.

Khader wuxuu rumaysan yahay xiitaa sharciga Daanishka ee wakhtian, saraakiishu inay qaban karaan wax badan si ay u baadhaan soo-laabtayaasha; qaabka wakhtigani wuxuu gudbinayaa farriin khaldan: “Dhallinyartu waxay yidhaadaan, ‘Ma u socdaalaa Suuriya si aan caawimo u helo helista shaqo?’”

Dhinaca kale, kooxaha bulshooyinka qaar waxay bilaabeen inay kabaan shaqada dawladda. Socdaalkiisa 2014 ee Deenmaark, Luger wuxuu kula kulmay koox hooyooyin Soomaali ah Odense kuwaasi oo ku samaynaya farogalintooda gaarka ah dhallinyarta iyagoo xidhiidh dhaw la leh bilayska. Wuxuu ku sharxay arrinkan wixii u muhiimsanaa booqashadiisa.

Kal hore, Mohammed Hassan iyo dad kale oo ah kuwa deggan Gellerupparken waxay bilaabeen koox maaraysa “digniinaha cas,” kadib markii laba wiil oo dugsiga sare u dhigta deggane ay Suuriya aadeen. Hassan, oo ah aabe laba carruur ah oo yaryar, xubnaha qoysku waxay ka helaan qaabilista jaarka halkii ay ka wici lahaayeen khad aan qof ahayn oo degdeg ah. Bulshooyinka muhaajiriinta ah qaarkood, aamin la’aanta bilaysku ayaa qoto dheeraada.

– laga yaabee qof ku sugan masaajidka Grimvojvej – ayaa ka caawiyey gabadhiisu inay baxdo, laakiin cidna looma qabsan.

Ilaa kal hore, markii dhibaatada qaxootiga hurisay soo bixitaanka xisbiyada muxaafadka Yurub oo dhan, xaaladda Deenmaark waa leexatay. Qaynuun cusub ayaa u oggolaanaya xukumayaasha inay la wareegaan baasaaboorrada dadka ay rumaysan yihiin inay u socdaan dagaalka Suuriya. Siyaasiyiin Baarlamaanka kujira ayaa ka xaajoonaya soojeedimo in la xakameeyo iimaamyada xagjirka a.

Aarhus waxay hakisay qorshayaasha loogu talogalay masaajid cusub kadib baahinta warbixin TV in iimaamyo deegaanka ah oo la qabtay u sheegayeen wariye qarsoodi ah inaanu u tabin oday sameeyey gabboodfal bilayska.

Warbixin dhawayd ee Hay’adda Daanishka ee Daraasaadka Caalamiga ah waxay sheegtay in samaynta adadkaansho ay dhici karto inay adkayso dadaalada socda, inta ay kordhayso cabsida dadku ka qabaan la shaqaynta xukumayaasha. Doodda lagu qaybsan yahay waxay iftiimanaysaa baahida loo qabo in la qexo ahdaafta barnaamijka si fiican lana qiimeeyo natiijooyinkiisa, ayey warbixintu ku soo afjarantay.

Laakiin saraakiishu waxay sheegayaan inayna dib uga laabanaynin shaqadooda kahortagga.

“Khabiirradu waxay sheegayaan ciqaabtu inayna shaqaynayn,” ayuu yidhi Mai-Britt Iversen, xildhibaan magaalada Aalborg ah.

“Haddii aad xabsi dhigto, markay soo baxaan waa dagaalyahano.”

Isagoo la tacaalaya waayista gabadhiisii, Abdullahi wuxuu aad ugu leexday diintiisa. Isla markaana, wuxuu ka saaray laba wiil oo yaryar oo uu dhalay dugsi Quraan. Hadda waxay ku bartaan onlayn, had iyo jeer isagoo aabahood la joogo.

“Waa inaynu fiiro gaar ah u yeelanaa carruurteena,” ayuu yidhi. “Bulshada oo dhan waxay u baahan tahay inay digtoonaato.”