– Hanif Qadir wuxuu yaqaan isha ugu horraysa sida xagjiriintu dabinka u soo galiyaan dhallinyarta. Mujaahid dagaalyahan ah oo hore, wuxuu u soo baxay inuu joojiyo — laakiin mararka qaar wuxuu dareemaa in dawladdu caqabad ku tahay.

Qadir wuxuu ka walaacsan yahay farriinta la dagaalanka xagjirnimada ee uu keenayey jidadka bariga London inay dhuntay markii ay soo baxday kalsooni darro ku aaddan barnaamijka dawladda ee Kahortag. Tobankii sano ee tagay, wuxuu ka maalgaliyey bulshadiisa khayri.

Barnaamijka Kahortag ee UK waa kan ugu horreeyey uguna hammiga badnaa hindisaha la-dagaalanka xagjirnimada ee Yurub. Sidoo kale wuxuu soo jiitay dhalleecaynta ugu badan. Isbeddello lagu sameeyey kal hore oo ka dhignaaxoojinta barnaamijku waxay soo nooleeyeen eedaymaha inuu cambaaraynayo oo takoorayo bulshooyinka Muslimiinta ah.

Intii saraakiisha Magaalooyinka Mataanaha ah ay diyaarinayeen riixitaan looga hortagayo qorista xagjirka, waayo-aragnimada Biritan ee qotoda dheer oo qaadaysa dhabbo la mid ah waxay soo bandhigtay digniin.

Qadir uma arko barnaamijka Kahortag “olole ka dhan ah Muslimka.” Laakiin wuxuu dagaal kula jiraa isku-dayada dawladda ee inay wax ka sheegto shaqadiisa khayriga ah iyo dhalleecaynta inuu ka weecdo caawinta xukumayaasha. Xagaagan, Ururkiisa Isbeddel Muuqda wuxuu bilaabay inuu iska joojiyo maagalinta Kahortag.

Video (04:53): Ururka Isbeddelka Muuqda waxay xooga saaraysaa wada hadalka furan xaga la dagaalanka xagjirnimada.

“Waa inaanu xidhiidh la lahaanaa bulshada,” ayuu yidhi Qadir. “Haddii aynu sii wadno inaynu dawladda ula shaqayno si aad u dhaw, waxayna waayeyna codkeena, waxaanaynu noqonaynaa codka dawladda.”

Xidhiidh shaqaynaya oo u dhexeeya dawladda iyo kooxaha bulshadu waa tab, waana qayb muhiim ah oo kamid ah waajihidda aqoonta mishiinka borobagaandhaha kooxaha sida Dawladda Islaamka ah ee Ciraaq iyo Shaam, ayey yidhaahdeen khabiirrada la-dagaalanka argagixisadu. Gudaha Minneapolis, ururka khayriga ah ee Soomaalida ee loo doortay inay tijaabiso mashruuca la-dagaalanka qorista ee fadaraalku wuxuu waajahay hawl isticmaalka khayraadka dawladda iyadoon shilin lagu bixin runtu waxay tahay.

Joojinta dagaalka

Xarunta dhallinyarta waasaca ah ee Ururka Isbeddelka Muuqda dhawaan, shaqaaluhu waxay soo afjareen ciyaaraha teniska miiska waxayna damiyeen ciyaar kirikit ah oo telefishanka ka socotay, taasoo keentay inay cadho la guuxaan koox da’ yar ah. Waxay ahayd wakhtigii siminaarka, cibaadada toddobaalaha ah ee dhuumashada 20 daqiiqo oo ah hadal toos ah ee ciyaaraha kuwaasi oo soo ka soo jiita dhallinyarta xaafadda muhaajiriinta u badan.

Innamadu waxay fadhiisteen fadhiyada saanta madow leh ee TV-ga hortiisa. Gidaarrada waxa ku feegarnaa “Xoogaysanaya” iyo “Naftaada Fahan.” Shaqaale Hamza Abdulwahi ayaa ka hadlay sida xagjiriintu u adkeeyaan macanaha fikradda Islaamka ee jihaadka.

“Waxay dilaan ragga, haweenka iyo carruurta bilaa sabab, waxayna leeyihiin dhiiranaanta inay ku sheegan kan jihaad,” ayuu yidhi Abdulwahi, Somali-Brit kaasi oo mar shaaca ka qaaday “guri labaad” halkan isagoo ku ahaa soo-galooti xaafadda. “Ma waxaad u malaynaysaa in kaasi yahay jihaad?” “Maya,” dhawr wiil ayaa si dabacsan ugu jawaabay.

Qadir wuxuu u gudbay inuu sharxo xagjiriinta qas-wadayaasha ah inayna ahayn wax cusub: “Waa sida cirfiid. Madax ayaad ka goyn, mid kale ayaana soo bixi.”

Qadir wuxuu aad ugu lug lahaa olole hore oo lagu keenayo dadka reer Galbeedka la qoro inay ka dagaalamaan Bariga Dhexe. Mulkiile geerash baabuurta ah oo guulaystay, waxa kiciyey qabsashadii Maraykanka ee Afkaanistaan, taasi oo u tixgaliyey jawaab aan u dhigmin 9/11. Saamaynta borobagaandhaha Al-Qaida darteed, wuxuu u socdaalay Afkaanistaan si uu ula dagaalo Maraykanka.

Laakiin wuxuu si dhakhso ah uga niyadjabay khayaanooyinka arxan darro ee kooxda. Markii uu ku soo laabtay UK, isaga iyo walaalkii waxay iibiyeen ganacsigoodii waxayna bilaabeen ururka khayriga ah.

Ururku wuxuu la wadaagaa dhisme masaajid ku yaala Lea Bridge Road ee mashquulka badan, halkaasi oo guryaha cawlan ee safan wajahadahooga lagu laga sameeyey tukaano hilibka xalaasha ah gada, maqaaydaha hilibka iyo maqaayad shaaha dadka aan hilibka cunin mararka qaar. Halkan 2006, bilaysku waxay xidheen 14 deggane kadib markii ay baabiiyeen meel Al-Qaida leedahay si ay u qarxiyaan duulimaadyada badwaynta atlaantiga iskaga gudba iyagoo isticmaalaya waxyaalo qarxa oo dareere ah. Dawladdu waxay liiska ku dartay ururka Qadir, oo qarka u saarnaa musalaf markaasi, si uu uga qaybqaato xeeladda dhawaanta la bilaabay ee Kahortag.

Khaladaadka hore

Soo bandhigga kadib qaraxyadii 2005 ee ka dhacay nidaamka gaadiidka dadwaynaha London, Kahortag waxa kamid ah liis dheer oo hindisayaal ah si loo liido dabinka xagjirnimada qas-wadayaasha ah. Waxa loo leexiyey malaayiin kini ururrada khayriga ah si ay ugu lug yeesheen bulshooyinka deegaanka. Hal qayb oo Kahortag ah, barnaamijka Channel, wuxuu ugu baaqaa xubnaha bulshada iyo adeegayaasha dhallinyarta ah ee safka hore inay u gudbiyaan dadka tabobarid iskaa ah iyo tallaabooyin kale si looga ilaaliyo inay noqdaan xagjiriin.

Muddo sannado ah, Kahortag waxay la’ayd shiishka, xaaladaha qaarna waxay si khaldan ugu shubaysay lacagta kooxo leh ajande xagjirnimo. Markii cadaadis lagu saaray inay tallaabo qaaddo kadib 2005 weeraradii argagixiso, Kahortag waxay noqotay “digniina khatar ah u degdegista barnaamijyo si aad ah u leh hammi iyo baaxad oo ka dhan ah xagjiraynta,” ayey ku soo afjarantay warbixinta 2012 ee Xarunta Caalamiga ah ee Daraasadda Xagjiraynta.

Sannaddada dhawaa, dawladdu waxay qaadday tallaabooyin si ay si wanaagsan ugla socoto kharash garaynta. Laakiin wax yar ayey ka qabatay dejinta dhalleecaynta. Dadka dhalleeceeyaa waxay ku doodaan in shiishka saarista xagjiriintu Islaamiyiinta, xeeladda Kahortag ay takoortay bulshada Muslimiinta ah ee waddanka.

Barnaamijka Channel wuxuu si gaar ah ahaa mid qancin leh. Ugu dhawaan 4,000 oo carruur iyo qaangaarka ah ahaa lagu sheegay dhexdiisa 2015 oo kaliya — ugu dhawaan saddex jeer ayuu labanlaabmay ilaa sannadkii ka horreeyey. Kal hore, markii xidhitaanada la xidhiidha argagixisadu gaadheen meelo sare, dawladdu waxay ku dhawaaqday in u gudbinta dadka barnaamijku ay hadda noqonayso waajib sharci ah oo saaran barayaasha, adeegayaasha bulshada iyo dad kale.

Shuruudaha tabinta ee cusub waxay kiciyeen waalidiinta, ayuu yidhi Harbi Farah, madaxa ururka khayriga ah ee Ururuka Caawi Soomaaliya ee waqooyinka London. Waxay abuureen xaalad feejignaan aad ah taasi oo dhashay cabsi, ayuu yidhi: Qoys uu yaqaan ayaa dhawaan la sheegay sababtoo ah waalidiintu waxay ka saareen gabadhooda dabbaal jinsiyadu isku jiraan dugsiga.

Sannadadii dhawaa, boqolkiiba 80 warbixinaha waxa la ogaaday inay been ahaayeen, sida ay sheegayo xogta Golaha Taliyayaasha Bilayska Qaranka; kayar boqolkiiba 10 ayaa ka yimi bulshooyinka deegaanka.

Mohammed Khaleil, oo ah hoggaamiye bulsho kaasi oo caawiya isku duwidda gudbinaha Channel ee dugsi sare oo London ka baxsan, ayaa yidhi tabobarista barayaashu waa mid aan sinnayn waddanka oo dhan. Barayaasha qaarkood waa qaar aan sahlanayn sababtoo ah ma garanayaan waxa dhacaya kadib markay sheegaan arday: Xukumayaashu waxay diyaariyeen farogalinaha iyagoon la arkayn. Tixraacista nuglaanta barnaanijka dartii, dawladdu ma fasixin wax macluumaad ah oo kusaabsan natiijooyinkiisa.

“Channel sunta ayey uga sii dartay,” Khaleil, kaasi oo kula taliyey sharci fulinta fulinta Kahortag. “Kalsoonidu halkaas ma jirto, waxaanad u baahan tahay inaad kalsooni yeelato bulshada dhexdeeda si aad uga qaybgasho.”

Xafiiska Arrimaha Gudaha UK — waaxda dawladda ee qaabilsan la-dagaalanka argagixisada iyo socdaalka — kamay jawaabin codsiyada faallo. Laakiin taageerayaashu waxay ku doodayaan Channel inay ka duwan tahay barnaamijyada guunka ah ee looga hortago kaqaybgalka budhcadda iyo isticmaalka daroogada. Waxay ku abaalmariyeen barnaamijka iyagoo baajinaya weerarro waawayn oo lagu qaado carrada Biritishka sannadadii dhawaa kuna ilaalinaya dhallinyarta qaarkood inay ku biiraan darajooyinka ugu dhawaan 800 oo Biritish ah kuwaasi oo aaday goobaha dagaalka ee Suuriya iyo Ciraaq.

Rashad Ali, oo ah xubin hore oo ka tirsan koox Islaami ah, wuxuu diiday eedaymo Kahortag ku basaasaysay hawlgal si ay dambiile uga dhigto Islaamka.

Ururka Ali, CENTRI, wuxuu maamulaa farogalinaha dadka lagu helo dambiyada argagixisada la xidhiidha iyo kuwa ka soo laabta Suuriya; inta badan, wuxuu dhahaa, taageeradu waxay muhiim u tahay dib ugu biirista bulshada.

Laakiin, wuxuu dhahaa, barnaamijku wuxuu siiyaa casharro badan meelaha sida Minneapolis. Wuxuu u yimi inuu rumaysto in iyadoo bilaysku hoggaanka yahay, ay adag tahay in lagu doodo Kahortag inayna kusaabsanayn dambi ka dhigista habdhaqanka maalin kasta, sida sheegista ciil-qab siyaasadeed. Ali wuxu dhalleeceeyey soojeedintii 2015 ee Raysal-Wasaarihii hore David Cameron tallaabada adag kaga qaaday wadaadada iyo dadka kale ee muujiyey aragiyo xagjirnimo, xiitaa haddii ay diidaan qaska.

Marka laeego hoggaamiyayaasha bulshada sida Qadir, khilaafka hortaagan Kahortag wuxuu kharribay shaqadooda.

“Waxaanu dareemaynaa inaanu kujirno laba dagaal oo socda,” ayuu yidhi Qadir. “Midi waa dagaalka argagixisada, ka kalena waa dagaalka dadka dhalleecaynta.”

Isbeddel cabsi leh

Galabtii Salaasada, Abdulwahi iyo saaxiibkii Maxwell Adjei waxay ka baxeen xarunta Dhallinyarta Isbeddel Dhabta ah. Waxay u jeedeen “socod jidheed,” oo ah jimicsi maalinle ah oo xaafadda ka dhaca si loo tiro dhibta looguna yeedho carruurta xarunta.

Waxay u hakadeen u dhilista xayeysiiska “duugista inanta” ee tiirka laydhka. Markii dambe, Abdulwahi wuxuu ka tallaabay jidka si uu u gacan qaado kacaan, oo ah mid ka saaqiday dugsiga sare oo uu dhawaan ka caawiyey samaynta waraaqaha shaqada. Labadoodu waxay joogsadeen si ay u ugu tagaan dhawr rag yaryar ah oo jooga halka ka horraysa abaarmen madow.

“Waan kuu darsaday, ninow,” ayuu Abdulwahi u sheegay midkood. “Muddo ayeynu kala maqnayn.”

Ururka khayriga ah, kaasi oo gabi ahaantii dawladdu maalgaliso, wuxuu ku raaxaysaa badsiga iyo oggolaanshaha xaafadda. Xarunta dhallinyartu waxay martigalisaa ciyaarta usha iyo kubadda oo dhexmarta carruurta iyo askarta si loo beero is-aamin. Ololaheega Twitter Notinmyname oo ka dhan ah ISIL ayaa noqday mid baahay soona jiitay bogaadin uga timaadda Madaxwayne Obama, in kastaa dadka dhalleeceeyaa ay yidhaahdeen waxay sii xoojinaysaa aragtida in Muslimiintu ay khasab tahay inay ka jawaabaan habdhaqanka xagjiriinta.

Ururku sidoo kale wuxuu ka helay qaddarin banaamijkiisa Hoggaamiyayaasha Da’da yar, oo ah dadaal taageerayo facu maadaama ay yihiin khayraad cusub oo dihin inay la dagaalamaan qorista xagjirka. Barnaamijku wuxuu soosaaray qiyaastii 400 oo qalinjabiye sida Julia Hossain oo 16 jir ah, taasi oo bilawday boggaga xidhiidhka dadwaynaha ee “La Dagaalan Xagjirnimada.”

Marka farriinta ah “Nolow ISIS” ka muuqatay gidaarka dugsi London ku yaal, Hoggaamiye Da’ yar halkaas wuxuu dhakhso u ogaaday ardayga ku buufiyey. Wuxuu ku lug yeeshay wiilka, oo ah kalidii socod loo xoog sheegtay, wada-xaajoodyo kusaabsanaa Islaamka. Ururka khayriga ah wuxuu u gudbiyey wiilkii Channel. Maareeyaha mashruuca Shaf Islam ayaa sheegay Hoggaamiyaha Da’da Yar waxa loo doortay inuu door ka ciyaaro farogalinta dhalanaysa: “Dhallinyar badan ayaa u baahan taageeradaas beddelka, ‘Sidaas ha samayn ama wax la mid ah.’ ”

Ururka khayriga ah wuxuu hoggaamiyey 120 farogalinood, oo ay kujiraan 15 Qadir ku sharxay inay “halis badan” yihiin. Wuxuu sheegay in dhammaantood ayna ahayn guulo aan caddayn: Dhawr rag yaryar ah ayaa bilaabay xirfado iyagoo ah dambiilayaal liita, mid kamid ah raggana oo joogay meesha diyaaradda lagu qarxiyey — oo kooxdu u sii daysay sharaf ahaan — wuxuu ku laabtay xabsi kadib markii uu sameeyey qorshayaal ku laabasho Suuriya.

Qadir wuxuu sheegay kooxdiisu inay ka samaysay horumar xaaladaha badankooda. Waxa jirtay haweenayda yarayd ee dhawaan laga dhexgalay safarkeeda Suuriya, iyo ninkii laga jeediyey markii shaqaaluhu burburiyeen oo arbusheen dhacdadii koox xagjir ah.

Dhawr sano kahor, kooxdu waxay qabteen nin 20-naadkiisii kujira kaasi oo isku-dayey inuu gubo guriga soosaare sheeko muujinaysa nabi Mohammed. Intii ninka yar uu kujiray sii-dayn ballameed, Qadir ayaa saacado kala hadlay diinta. Dhinaca kale, ururka khayriga ah wuxuu ka caawiyey inuu shaqo helo iyo inuu markii dambe bilaabo ganacsi saliidda orgaaniga ah ee gadhka oo guulaystay.

Laakiin Qadir wuxuu sheegay si dhaw ula shaqaynta dawladdu inay noqotay wax dhib badan. Xafiiska Arrimaha Guduhu uma oggolaan inuu muujiyo guulihiisa — wax Qadir ku sheegay inuu barnaamijka Kahortag ee xaalkiisu xun yahay aad ugu baahan yahay. Wuxuu sheegay in dawladdu ka dalabtay macluumaad qof ahaaneed oo dheeraad ah oo kusaabsan dhallinyarta kooxdu tabobarto; wuxuu soojeediyey waydiinta xubnaha kooxda dhallinyarta su’aalo fudud si loo eego haddii ay halis ugu jiraan xagjirnimo.

“Sida aan ugu lug yeelanayno bulshadayada waa in anaga la noo dhaafaa, ayaa naga yaqaan bulshadayada,” ayuu yidhi Qadir.

Ali wuxuu sheegay la shaqaynta dawladdu ma aha inay noqon wax dhan loo qaado aan lahayn. Ururkiisu wuxuu isticmaalaa maalgalinta dawladda marka uu kaalmaynayo farogalinaha qof-calaa-qof. Wuxuu isticmaalaa maalgalin gaar loo leeyahay gaadhistiisa bulshada, taasi oo u oggolaanaysa madaxbannaani dheeraad ah.

Dhawaan, Qadir wuxuu bilaabay tixgalinta fikradda ku tiirsanaanta si badan qaadhaan ururinta gaarka loo leeyahay sidoo kale. Wuxuu rajaynayaa iibinta buug cusub oo kusaabsan la-dagaalanka xagjirnimada oo uu qoray inay dhici karto inuu caawiyo weecintaas.

“Rajada ku tiirsanaanta maalgalinaha gaarka loo leeyahay waa dhib. Laakiin haddii kale, Qadir wuxuu yidhi, “Dadku waxay noo arki in aan ku milanay dawladda.”